Madaxweynaha oo Kormeeray Talisyada Ciidanka Qaranka iyo Booliiska’ Fariin na uu diray Dhamaan Ciidamada

0
270

Hargeysa-(Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kormeer shaqo ku tegay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ugu baaqay Ciidamada kala duwan ee Qaranka inay diyaar u ahaadaan dicaafida qarannimada Somaliland.

Kormeerka  Madaxweynaha oo ay ku soo dhoweeyeen Wasiirka Gashaandhiga, mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Abaanduulaha Ciidanka Qaranka, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale Afguduud iyo Saraakiil kala duwan oo ku-sugnaa Taliska Guudd ayaa warbixin la xidhiidha Amniga iyo difaaca Qaranka siiyey Wasiirka Wasaaradda Gashaandhiga oo uu wehelinaayo Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland.

Wasiirka Gaashaandhiga Md. Cabdiqani ayaa  xusay in Ciidamada Qaranku ay heegan buuxa ugu jiraan marwalba difaaca, dalka iyo dadka, cidkasta oo Qarankan hagardaamo la damacsanna ay ku dhufanayaan dhirbaaxo aanay mahadin, Ciidamada Qarankuna aanay ahayn kuwo loo baqo ee ay yihiin kuwo difaac adag ugu jiraan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo muwaadiniintiisa.

Madaxweynaha ayaa Ciidamada Qaranka ku bogaadiyey kuna dhiirigeliyay dedaalka, kartida iyo adkaysiga Ciidannimo ee ay muujiyeen kuna difaacayaan Qarannimadooda iyo weerarada kaga imanaya huwanta ka dagaalamaysa Laascaanood.

Waxaanu madaxweynuhu sidoo kale bogaadiyey bahda caafimaadka ee dedaalka Qarannimo la barbar taagan ciidamada Qaranka. Dhinaca kalena waxa uu  madaxweynuhu bogaadiyey bahda warbaahinta oo uu xusay doorka ay ku leedahay arrimaha Qarannimada iyo shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee taageerada la barbar taagan ciidamada Qaranka.

Sidoo kale waxa uu Madaxwyenuhu kormeer ku tegay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana halkaa warbixin ku siiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

Waxaanu Madaxweynuhu booqday Xerada Ciidanka Birmadka ee hadh iyo habeenba heeganka ugu jira hawlaha degdega ah ee amniga sidii ay ugu gurman lahaayeen marka loo baahdo.

Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxuu hadalo dardaaran iyo dhiirigelinba u diray ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee kala ah Ciidanka Qaranka Somaliland, Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta, Ciidanka Ilaalada Xeebaha, Ciidanka Laanta Socdaalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Ciidanka Dab-damiska oo iyagu xoog u shaqeeya marwalba, gaar ahaana wakhtigan aynu ku jirno ee Roobabka.

“Waxaanu madaxweynuhu faray dhammaan ciidamada kala duwan inay laba jibaaraan dedaalkooda oo ay meel uga soo wada jeedaan cidii dhibaato la damacsan amniga Qaranka.”

 

 

 

 

Leave a Reply