DP World Oo Terminal Cusub Oo Muhiima Ku Soo Kordhisay Dekadda Berbera

0
219

 

Berbera (Dawan): Shirkada Caalamiga ah ee DP World ayaa Dekadda Berbera ku soo kordhinaysa “terminal” cusub oo loo dhisayo haamo lagu keydiyo Saliidda Cuntada.

Terminalkan cusub ayaa la sheegay inuu abuuri doono shaqooyin muhiim u ah Marsada Berbera.

Warbixin lagu daabacay Bogga ay Internet-ka ku leedahay Shirkadda DP World isla markaana ay soo Turjuntay Wakaalladda Wararka JSL ee Solna ayaa lagu faa-hfaahiyey hawl-qabadka Terminal-kan cusub.

Warbixinta waxa lagu sheegay in Wajiga koowaad la dhisi doono haamo kaydka ay qaadayaan uu dhan yahay 18,000 oo Tan iyadoo tirada haamahana la kordhin doono markasta oo dalabku kordho.

Warbixintu waxay xustay in Dekedda Berbera ay hada kadib u adeegi doonto Maraakiibta joogooda hoose uu yahay 16 meter, kuwaas oo saliidda soo daabuli doona.

Terminalka cusub ayaa ah mid si buuxda, mudo dheer looga kireeyey shirkadda Mzahim Investments, oo hoos timaada Essa Al Ghurair Investments. Waxaana hore shirkadaas looga kireeyay dhul bannaan oo dhan 300,000 “square-foot” kana mid ah Goobta loo asteeyey aaga dhaqaalaha xorta ah ee dekedda Berbera halkaas oo ay ka dhisi doonaan wershad moorin doonta Saliida isla markaana shaqo abuur u samayn doonta ilaa 100 qof.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in DP World ay qorshaynayso sidii ay marsada berbera oo ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan adduunka, ay uga dhigi lahayd mid isku xidhan lagana heli karo addeeg kasta oo looga baahan yahay deked.

Maadaama ay Dekedda Berbera u adeegto mandaqada Geeska Afrika oo ay ku nool yihiin in ka badan 140 milyan oo qof.

Suhail Albanna, oo ah maamulaha guud ee shirkadda DP World ee Bariga Dhexe iyo Afrika, ayaa sheegay inay horumar la taaban karo ka sameeyeen yagleelista xaruntan cusub ee lagu kaydin doono Saliida cuntada taas oo saamayn togan ku yeelan doonta bulshada ku dhaqan magaalo xeebeedka Berbera kana heli doonaan fursado shaqo.

Waxaa kale oo maamulaha DP World uu intaas raaciyey In xaruntan cusubi ka mid tahay kaabayaasha dekedaha oo isku xidhan ,oo soo jiidan doonta maalgashadayaasha caalamiga ah.

Sidoo Kale Ciise Cabdule Al Ghurair, oo ah Guddoomiyaha Essa Al Ghurair Investments, ayaa dhankiisa sheegay in joogitaanka Dp World ee Dekedda Berbera ay kaalin mug leh ka qaadato dhiirigelinta ganacsiyada iyaga la midka ah si ay u maalgashadaan Somaliland.

Leave a Reply