“Waa in loo Midoobo Difaaca Qaranka Somaliland.”. Guddoomiye Urur Ibrahim Buubaa

0
245

Hargeysa:(Dawan):-Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Talowaaag
Ibrahim Mahdi Buubaa ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland inay meel uga soo wada jeestaan  difaaca dalka.

Ibrahim Mahdi Buubaa ayaa  tilmaamay in dagaalka  Laascaanood yahay isku daygii ugu dambeeyay ee  lagu doonayo in lagu waxyeeleeyo  jiritaanka Somaliland,

Ibrahim Buubaa oo arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Waa isku  daygii ugu dambeeyay Soddonkaa sannadood iyo dheeraadka ay Somaliland jirtay ee lagu doonayay in lagu waxyeeleeyo oo lagu fashiliyo jiritaanka iyo dawladnimada Somaliland,waanay ka balaadhan tahay dagaalka Laascaanood  arin reer Laascaanood ku diidan yihiin dawladnimada Somaliland,waana in gacmaha isku qabsadaan inta jecel Somaliland una midoobaan sidii meel uga soo wad jeedsan la haayeen difaaca qaranka ee soddonka sannadood lagu soo  tabcayay.waad aragtaan sida laysku soo kaashaday iyo Ciidaamada  aan xadka lahan ee soo galaya  Laascaanood iyo dagaalka habeen iyo maalinba la maleegayo, waxay muujinayaan qorshayaal lagu doonayo in lagu fashiliyo Somaliland,waxaana lagaga bixi karaa iyadoo  qaranka lays   barbar taago  oo Umadda Somaliland gacmaha isqabsato. marlabaad loo diyaargaroobo halgankii loo soo maray dib ula  soo  noqoshada Madaxbanaanida Somaliland,”.

Sidoo kale Ibraahim Buubaa ayaa waxa uu tilmaamay in aanay jirin Guddi dhaqan oo Siyaasada jaangoysa.Waxaaana uu yidhi”Guddi dhaqan oo Siyaasada jaangoysaa ma,jirto  Jihaynta iyo jaangiynta Siyaasada ururo ayaa loo furtaa Xisbiyo ayaa loo samaystaa,deegaan  aan  kala  qaybsanin  majirto beelnimo kursi Madaxweyne lagu  magaadho bulshada Somaliland waxa lagu gaadhaa kasbashada codka bulshada Somaliland.waxaana mushkilada guddi reer leeyahay in lagu mashquulo  reeraha Somaliland gudiyo waa leeyihiin,waxan gudida beeshan loogu mashquulo  ee habeen iyo maalin laysku waydiinayaa  waa wax ujeedo laga leeyahay.oo lagu xoqxoqayo jiritaanka beesha guddi kasta oo danaha  reerka ka shaqaynaysa in aan taageero waa igu  waajib,”.

 

   

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply