WEEDHA WARGEYSKA Faafinta Sirta Ciidanka waxay fursad siinaysaa Cadowga!

0
388

Todobaadyadii u dambeeyey waxa warbaahinta baraha bulshada lagu baahinayey xoggo ku saabsan Saraakiisha Ciidanka Qaranka iyo qaar kamida Saldhigyada Fadhiisimada u ah, gaar ahaan Taliska Gooja-cadde oo ay hadal-hayntiisu ku timi Dagaalka lagula jiro Kooxaha huwanta ah ee ku soo duullay Magaalada Laascaanood.

 

Waxa kale oo ay dadka wararka ku faafiya warbaahinta baraha bulshadu baahinayeen warbixinno ku saabsan taariikhda iyo aqoonta Ciidannimo ee Saraakiisha hogaaminaysa Dagaalka Laascaanood. Ciwaannada ay qorayeen waxa kamida “waa kuma Janaraal Hebel, maxaad ka taqaanaa Taliyaha Guuto heblaayo? Maxaad ka taqaanaa Taliska Ciidanka Qaranka ee meel heblaayo? Waxaanay dhamaan Isweydiimahaasi ku sharaxeen xogta Saraakiil muhiim u ah Dalka oo gudanaya Waajibaadka ay qarankooda u hayaan, isla markaana aan u baahnayn sheeg-sheegis iyo in cadowga loo bandhigo xogtooda iyo kaalintooda shaqo.

Ciidanka Qaranka JSL Sareeye Gaas ilaa dable  waa hay’ad leh nidaam maamul, qaab-dhismeed iyo awood fullineed oo sharcigu qeexay. Sidoo kale Dastuurka iyo xeerarka dalka oo uu kamid yahay xeerka Saxaafadda Somaliland way madnuuceen in la baahiyo sirta Ciidamada iyo xeryahoodaba, taasoo muujinaysa dhowrsanaanta iyo ahmiyadda ay leedahay ilaalinta sirta arrimaha Ciidamadu.

Marka laga hadlayo mabaadi’da Caalamiga ah iyo xeerarka Milateriga sirta Ciidamadu waxay kamid tahay arrimaha lama taabtaanka ah ee aanu dalna ogolayn in sifo uu cadowgiisu ka faa’idaysanayo wax looga baahiyo arrimaha Ciidankiisa.

 

Sidaas awgeed faafinta Sirta Ciidamadda ee la xidhiidha xogta saraakiisha, Saldhigyadooda iyo hogaaminta hawlgaladdoodu waa dambi cad oo laga galay Qaranka, khatarna ku ah mustaqbalka iyo wakhtiganba Ciidamadeena iyo haykalka Dawladnimo, waxaanay fursad iyo faa’ido u tahay cid kasta oo halis ku ah nabad-gelyada iyo danaha amniga Qaranka, waana in gabi ahaanba la joojiyo oo ay hay’addaha awoodda u lehi ka soo saaraan go’aamo deg deg ah lagu madnuucayo,cidii u hogaansami waydana talaabo sharciga waafaqsan laga qaado

 

Leave a Reply