Maalintii Garaad Jaamac Cali Laascaanood noogu yimi ayaa Nabad iyo Nolalba noogu Dambeysay.”Samsam Jaamac, Hooyo reer Laascaanood ah

0
483

”wax taageero ah kamaanu helin Garaadada dad muslimiin ah ayaan dulsaar ku nahay 

Garoowe-(Dawan):- Hooyo Samsam Jaamac ayaa sheegtay inay nabad iyo nolol ba ugu dambaysay maalintii Garaad Jaamac Garaad Cali Laascaanood ugu yimi, imikana qaxooti   ku tahay iyada iyo caruurteedu magaalada Garoowe.

Hooyo Samsam Jaamac oo todoba carruur ah haysata ayaa sheegtay inay duruuf adag ku waajahayaan magaalada Garoowe oo ay u qaxday, ka dib markii garaadadu dagaalo ka bilaabeen magaalada Laascaanood.

Shabakada Tarabi Media oo Khadka telefoonka ku wareysatay ayey u sheegtay inay noloshooda heli jireen markii ay degenaayeen magaalada Laascaanood, balse imika qaxooti dulsaar ah ku yihiin dad kale, culaykeedana ay leedahay.

“Magaalada Garoowe guryuhu waa qaali, 7 boqol oo dollar ayaa lagu helaa, aniguna waxaan ahay hooyo todoba carruur ah haysata, aad iyo aad ayey dhibaatada na haysata u culus tahay

“Magaalada Laascaanood oo nolol aanu ku haysanay, dagaaladii ka dib imikana anaga ayaa qaxooti dad kale ku ah.”ayay tidhi . mar ay   ka hadlaysay sababta keentay inay Garoowe u qaxdo waxay tidhi,

“Annagoo guryaha iska deggan ayaa dad Garaado lagu sheegayey iyo dad kale oo is-wataa na soo galeen waxaan ku warhelnay dagaalo, dhibaatada ay na gaadhsiisay saygaygii caruurta dhalay wuu ku geeryooday.”

Mar la weydiiyey inay wax taageero ah ka heleen guddiyada iyo Garaadada oo sheegay inay dadkii qaxay ka warhayaan, ayey sheegtay inaanay wax taageero ah ka helin, waxaanay tidhi,

“Maya, wax taageero ah kamaanu helin Garaadada dad muslimiin ah ayaan dulsaar ku nahay, oo waxii ay qabaan aanu la qabnaa, culays ayaan ku haynaa, mudada ay na sii hayn karaan Ilaahay ayaa og.

Hooyo Samsam ayaa sheegtay inay reer ballaadhan ahaayeen Ramadaantii hore isla markaana iyagu waxii ay dheeryihiin dadka kale ku caawin jireen, balse Ramadaantan qaxoonti yihiin, oo xitaa cid afurisa aanay helin, waxaanay tidhi,

“Ramadaantii hore annagaa dadka afurin jirnay, maanta waxaan taagan nahay inaan dad kale hoostagno oo nala afuriyo, dhib weyn. maalintii Garaad Jaamac Garaad Cali Laascaanood noogu yimmi ayaa nabad iyo nolalba noogu danbeesay.”

Dhibaatada hooyadan iyo qoyskeeda haysata ayaa ka mid ah dhibaatooyinka ay dhaxalsiiyeen bulshadii ku dhaqanayd Laascaanood dadka kusoo duulay ee colaadda Laascaanood huriyay oo ay ugu horreeyaan garaadada dagaalka aloosay.

Shabakada Tarabi Media ayaa hooyo Samsam Jaamac u damaanad qaaday inay bixiyaan biilka bisha Ramadaan iyo dharka Ciida Soonfur ee Caruurta.

 

 

Leave a Reply