“Dagaalka lagu so Qaaday Laascaanood waxa lagaga Hortegaya Aqoosmiga Somaliland .”Faysal Cali Waraabe

0
151

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ay garabtaagan yihiin Ciidamada qaranka Somaliland ee  dagaalka kula jira kooxaha  huwanta ee ku sugan Magaalada Laascaanood.

Faysal   Cali  Waraabe,ayaa intaa raaciyay in dagaalka lagu soo qaaday Laascaanood in lagaga hor tegayo oo lagu carqaladaynayo aqoonsiga qarannimada Somaliland isla markaana loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto duulaanka lagu soo qaaday Somaliland oo loo midoobo difaaca dalka la is garab taagana ciidanka qaranka.

 

waxaa kale oo uu iftiimiyay in dagaalku u dhexeeyo Somaliland iyo cadaw ku soo duulay qaranka oo ay ugu horrayso Puntland oo ciidankeedii lagu qabtay dagaalka Laascaanood lagu soo qaaday.

Waxaanu yidhi Guddoomiye Faysal.”Waxa aan  boorinayaa  Ciidamada qaranka Somaliland ee geesiyaasha,waana lagu quusanayaa dagaalkii  bisha kowdeeda ka dhacay Laascaanood.dagaalka waxa si toosa ugu jira Majeerteeniya Baabuurtii  iyo Ciidanka la qabtay waxa ku jira PSf ee ina Diyana maamulayay. waxa aan  leeyahay shacabka Somaliland dagaalku  waxa uu ka dhaxeeya Somaliland iyo maamulka  Majeerteeniya, dagaalka ka socda Laascaanood wuu ina baraarujiyay duulaanka lagu soo qaaday Laascaanood waxa lagaga hortagayaa Ictiraafka Somaliland.hadaanu nahay  Xisbiga UCID waxa aanu garabtaaganahay Ciidanka Somaliland,Laascaanood ayaad sheegaysaan taako  dalka Somaliland ka biximayno.waxaana aan leeyahay Garaaada reer Laascaanood caano daatay dabadeed la qabay  iska saara reer Gaalkacayo iyo reer Xaafuun oo  aynu ka wada shaqayno  nabedgalyada,

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply