Taliska Cidanka Qaranka Aagga Bari oo ka hadlay Dagaalkii lagu soo Qaaday Ciidanka Qaranka

0
260

Laascaanood(Dawan):- Taliska Aagga bari  ee ciidanka qaranka Somaliland ayaa markale dhibraaxo kulugu u gaystay ciidanamda huwanta ah ee Somaliland kusoo duulay oo weerra gardaro ah ku qaaday  ciidanka qaranka Somaliland.

Ciidadnak qaranka Somaliland ayaa dhirbaaxo kugul gaadhsiiyay kooxaha argagixisada ah ee Somaliland kusoo duulay isla markaana gacanta kaga dhigay gaadid dagaal iyo maxaabiis tiro badan.

 

Taliyaha Guutada 12-aad ee Millateriga Somaliland Faysal Cabdi Bootaan, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanku uu qaadayo talaabooyin millateri oo xoogan.

Waxaanu yidhi.”Ciidanka qaranku howlgaladiisii dagaal wuu sii laban laabayaa, tallaabo lama ilaawaan ah ayay ka qaadi doonaan huwanta”.

Taliyuhu waxa uu sheegay in xoogaga kasoo horjeeda inuu khasaare wayni kasoo gaadhay dagaalkii ugu dambeeyay , isaga oo si gaara maamulka Puntland ugu eedeyay in uu caddaystay dagaalka

 

Taliyaha aaga Bari Sareeye Guuto Cali Barre Xuseen oo ka warbixiyey dagaal kooxaha huwanta soo qaadeen 1 April  ayaa sheegay in Gaadiid dagaal iyo Maxaabiis ay gacanta ku dhigeen Ciidanka Qaranka JSL.

Taliyaha Aaga Barri Sarreeye Guuto  Cali Barre oo shir jaraaid qabtay  ayaa sheegay in la jebiyey weerar gaadmo ah oo kooxaha huwantu ku soo qaaday taakulo u socotay Ciidanka Qaranka, waxaanu yidhi,

“Maanta (dorraad) oo bishu ahayd 1-da April, 2023, waxay Ciidan Puntland ah iyo kooxaha Argagxisadu ee Cabdi Madoobe maamulo waxay weerareen taakulaytii Ciidanka Qaranka oo soo socoda Madaarka Laascaanood, laakiin guuldaro ayey kala kulmeen kooxahii huwantu.”

S/G Cali Barre ayaa sheegay in kooxahii huwanta gaadiid dagaal kala duwan iyo maxaabiis laga qabtay, isagoo yidhi,

“Gaadiidka laga qabsaday waxay kala yihiin Saddex gaadhi Dishiike, Gaadhi sikaawe ah, Gaadhi Jiib ah, gaadhi kuwa xamuulka (Waaraardka), gaadhi Noho rasaas u siday”.

Mar uu ka hadlayey maxaabiista laga qabtay kooxaha huwanta ayuu Cali Barre sheegay in tiradoodu tahay saddex iyo toban, waxaanu yidhi,

“Maxaabiista laga qabtay waa saddex iyo toban uu ku jiro nin xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland, oo hore ugu khudbadeeyey waxaan gaadhi doona magaalada Burco.

 

 

Leave a Reply