Pakistan: 11qof ayaa ku dhintay goob cunto lagu qaybinayey oo dadku is-jiidhay

0
95

Mas’uuliyiinta Pakistan ayaa Jimcihii sheegay in isbuurasho ka dhacday xarun cunto lagu qeybiyo oo ku taal koonfurta magaalada Karachi ee dalka Pakistan ay ku dhinteen ugu yaraan 11 qof shan kalena ay ku dhaawacmeen.

Karachi oo ah magaalada ay ugu badan yihiin dadka Saboolka ah ee wadankaas ayaa Booliiska deegaanka iyo shaqaalaha gurmadka sheegeen in dadka dhintay ay u badnaayeen haween iyo caruur.

Isbuurashada ayaa ka dhacday bannaanka warshadda Karachi oo laga dhisay xarun loogu talagalay in lagu qeybiyo raashin la xidhiidha soonka bisha Ramadaan. Boqolaal qof oo ka mid ahaa dadkii goobta isugu yimid oo u badnaa haween ayaa isbuurtay, waxayna bilaabeen inay isku riixaan si ay cunto u helaan, iyada oo qaarkood ay ku dhaceen meel biyo mareen ah oo u dhow, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo booliisku.

Dhacdadan oo jimcihii ah ayaa keentay tirada dhimashada goobtan  oo ahayd goob dawladdu dadka wax ku siinaysay ugu yaraan 22-kii maalmood ee la soo dhaafay iyada oo Pakistani ay la daalaa dhacayso sare u kaca qiimaha raashiinka aasaasiga ah iyo cuntada.

Wadankan Koonfurta Aasiya oo ay ku nool yihiin 232 milyan oo qof ayaa la ildaran mid ka mid ah qalalaasaha dhaqaale ee ka sii darnaa muddo tobanaan sano ah.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif ayaa bilawgii bisha Ramadaan bilawday mashruuc qaybinta daqiiqda bilaashka ah si ay u caawiso malaayiin qoys oo danyar ah si ay uga hortagaan saamaynta sicir bararka rikoodhka ah. Qiyaasaha rasmiga ah ayaa sheegaya in sicir-bararka uu kor u dhaafayo 40%, oo ah mid sare oo shan sano ah, iyadoo qiimaha daqiiqda uu cirka isku shareeray in ka badan 45% sannadkii la soo dhaafay.

Hindisaha dowladda ayaa sababay in kumannaan qof ay buux dhaafiyaan xarumaha wax lagu qeybinayo. Qoysasku waxay sheegeen in la’aanta hab-qabsi sax ah oo lagu qaabilo dad badan oo degmooyinka qaar ah ay sababtay is-jiid jiidka dhimasho sababay oo ka dhashay cabsi laga qabo in la heli waayo daqiiqda bilaashka ah.

Maamulka gobollada Khyber Pakhtunkhwa iyo Punjab ayaa si wada jir ah u sheegay 11 dhimasho ah. Sidoo kale kumanaan jawaan oo bur ah ayaa laga dhacay gawaadhi iyo goobihii lagu qeybinayey, sida ay sheegeen saraakiisha.

 

Dhimashada ayaa hoosta ka xarriiqday quusta laga dareemayo kor u kaca kharashaadka, waxaana uga sii daray hoos u dhaca sarifka lacagta Rupee-ga iyo kabista shidaalka oo meesha laga saaray. Dowladda dhimis ayaa looga baahnaa Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF si uu u furo qeybtii ugu dambeysay ee xirmada taageerada maaliyadeed.

Dadka dhaleeceeyay ayaa ku dhaleeceeyay dowladda hirgelinta mashruuca iyada oo aan la samayn qabanqaabo sax ah oo lagu sugayo ammaanka dadka.

Guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka Pakistan ayaa ku eedeeyay wax ay ku sheegeen in ay tahay maamul xumada xarunta lagu qeybiyo daqiiqda isbuurashadii dhimashada sababtay.

 

 

Leave a Reply