Ku biirista Finland maxay ku kordhinaysaa NATO?

0
279

Markii madaxweyne Vladimir Putin uu bilaabay dagaalkisa Ukraine, qayb ka mid ah qorshihiisu waxa ka mid ahaa inay joojiso is ballaadhinta NATO ay isku ballaadhinayso deriskeeda.

Laakiin 13 bilood ka dib dagaalkaas , Finland ayaa ku biiraysa NATo waxaanay la macno tahay in xulafada uu Maraykanku hoggaamiyo ay hadda ku laba jibaarmayaan xadka ay la wadaagaan Ruushka, siiba gobolka Baltic ilaa Arctic.

“Hadda Finland waxay u baahan tahay NATO, NATO-na  waxay heshay meel ay ka waajahdo Ruushka,” Jamie Shea, oo ah sarkaal sare oo hore oo NATO ah oo xidhiidh la ah xarunta Chatham House ayaa sidaa yidhi. “NATO iyo Finland  waxay si fudud u heli doontaa difaac wadajir ah oo ka dhan ah Ruushka.”

Ka mid noqoshada Finland ee NATO waxay kale oo ilaalinaysaa saddexdeeda xubnood ee Baltiga, Estonia, Latvia iyo Lithuania, kuwaas oo xulafo la ah reer Galbeedka. Xuduud dhow ayay saddexdan dal la leeyihiin Belarus oo xulafo dhow la ah Ruushka.

Xubinnimada Finland waxay kale oo gacan ka siin kartaa NATO inay maamusho badda Baltic, iyada oo Helsinki wax ka yar 70 kiiloomitir u jirta biyaha caasimadda Estonia, Tallinn, taas oo bixiso waddo cusub oo xoojinaysa suurtagalnimada weerar Ruushka ah oo dhow.

“Ku biirista Finland waxay xoojin doontaa difaaca hore ee NATO waxayna gacan ka geysan doontaa ka hortagga diidmada,” Wasiirka Difaaca Estonia Hanno Pevkur ayaa u sheegay AFP.

Laakiin waxa uu ka digay “muhiimada Marinka Suwalki, kaas oo ah Marin Maraakiibtu aad u marto oo u dhexeeya Poland iyo Belarus iyada oo laga baqayo in Belarus ay noqday degmada milatari ee Ruushka,” wuxuuna ku adkaystay in isbahaysigu uu u baahan yahay inuu sii wado qorshayaasha lagu xoojinayo Baltics.

Dhanka waqooyi, ku biirida Finland waxay ka caawin doonta isbahaysiga inuu difaaco dhulka khafiifka ah ee Norway ee ku xidhan Ruushka, halkaas oo Moscow ay ka geysatay weeraro “dambiile” ah, ayuu yidhi falanqeeye Jan Kallberg.

Ilaa hadda, ciidamada cirka ee NATO waxa ay ku tiirsanaayeen dhawr garoon oo Norway ah oo laga yaabo in la beegsado xilli hore hadii colaadi timaado, laakiin Finland waxa keenaysaa saldhigyo badan iyo meelo hawo ah,” ayuu yidhi Kallberg, oo ah xubin sare oo ka tirsan Xarunta Falanqaynta Siyaasadda Yurub.

Waxay kale oo Finland ku biiristeeda qayb ka noqonaysaa xakamaynta gobolka Artic in ay ku lug yeeshaan Ruushka, Shiinaha.

Dhinaca kale ku soo biirida dhul dhan 1,300 kilomitir oo dheeri ah oo lagu kordhinayo xuduudka dhulka ee isbaheysiga uu la leeyahay Ruushka ayaa sidoo kale keeni doonta baylah, iyo sidii loo difaaci lahaa waxay caqabad ku noqon doontaa istiraatijiyadda NATO.

In kasta oo xubinnimada Finland ay ahayd mid aamusan, balse waxay keentayin ka badan intii la filayay, Kremlin-kuna wuxuu ballan qaaday in ay xoojiyo ciidamadeeda u dhow xudduudaha sanadaha soo socda.

Laakiin iyada oo milatariga Ruushka uu ku burburay Ukraine, falanqeeyayaasha ayaa sheegaya inay u badan tahay inay sannado qaadan doonto Moscow inay dib u dhisto awooddeeda.

Xubinnimada Finland waxay muujinaysaa waxay kale oo muujinaysaa inuu hadhay hal dalool kaas oo ah deriskeeda Sweden, waxa ku dhegan Turkiga oo xubin ka mid ah NATO. Waxa kale oo hadhay in la qalabeeyo Finland.

Leave a Reply