Taiwan oo Bogaadisay Talaabo Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliland Qaaday

0
183

Hargeysa(Dawan):- Dawladda Taiwan ayaa bogaadisay qoraal Wasaarada Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland  ka soo saartay kulan dhexmaray Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen iyo Gudoomiyaha Aqalka Wakiiladda Maraykanka Kevin McCarthy.

Madaxweynaha Taiwan oo booqasho ku tagtay dalka Maraykanka ayaa la saadaalinayaa inay Arbacada Berri kulan la yeelato Gudoomiye McCarthy.

Safaarada Taiwan ee Somaliland ayaa fariin ay ku baahisay barteeda Twitter shalay waxa lagu yidhi,

“waanu soo dhoweynayaa taageerada Wasaarada Arrimaha Dibebda Jamhuuriyadda  ee Kulan Madaxweyne Tsai Ing-wen iyo Kevin McCarthy u qorshaysan. Dimuqraadiyadu waxay wadaagtaa qiyamka xoriyadda, waanay iskaashadaan.”

Gudoomiyaha Aqalka Wakiilada Mareykanka Kevin McCarthy ayaa xaqiijiyay inuu la kulmi doono madaxweynaha Taiwan magaalada California. Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa arbacada la kulmi doonta afhayeenka aqalka Congress-ka Maraykanka Kevin McCarthy, xafiiska Jamhuuriga ayaa xaqiijiyay, tallaabadan ayaa la sheegaya inay ka soo horjeedo digniintii xukuumada Beijing in kulanka noocan ahi uu noqon doono “daandaansi”.

 

 

Leave a Reply