“Qofka Go,aamada adag Qaata ee wanaaga iyo Xumaanta kala Doorta ayaa Bini,aadamka u Taliya.” Wasiirka Warfaafinta

0
184

Hargeysa (Dawan)Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta
Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali koore ayaa ka hadlay xaalada  dagaal ee ka taagan Magaalada Laascaanood  ee xarunta Gobalka  Sool.

Saleebaan Yuusuf Cali koore ayaa waxa uu tilmaamay in Xukuumadda saddex jeer ku dhawaaqday xabad  joojin  Wadahadal lagu dhameeyo dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood,

Wasiirka oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Gobolka Sool waxa ka socda arrin aan ku talogal ahayn oo  wakhtiga iyo waayuhu  keenay,isma lihi waxbaad kala hadhay 28 cisho oo aan joogay Laascaanood.qofka aan  waaya arag ahayn ee aan soo joogin goobo dagaal in mararka qaar  kood aanu u arkayn in xaaladu  sidan isku badali karto.dhinac  kasta dhibaato ayaa ku dhacday,waxaanay ahayd dhibaato aynu ka badbaadi karaynay haddii  caqliga la isticmaalo tiraba  saddex jeer  ayaanu ku  dhawaaqnay in xabad  joojin la  sameeyo lana  wadahadlo,waayaha iyo wakhtiga ayaa sidaa u dhigay xaalada.markasta waxa aan taagannahay in nabed  wax  lagu  dhameeyo, waxa aan ogahay in nabadu tahay waxa Bini,aadamka wax ku yahay waan maqlayay dad waaweyn oo leh Ciidanka qaranka ayaa na,soo wareeray,qofka go,aamada adag  qaata ee wanaaga iyo xumaanta  kala doorta ayaa Bini,aadamka u taliya.taariikhda ayaana qori  doonta cidii xumaan ka talisay iyo cidii  wanaag ka talisay, in laga faa,iiday daagaalka  Laascaanood iyo in aan laga faa,iidin  taariikhda ayaa qoraysa,”.

Leave a Reply