Wasaaradda Hawlaha Guud oo magaalada Hargeysa ka bilowday Ololaha Kirada Kaalmaha Dawladda

0
241

Hargeysa (Dawan) Hawl-wadeenadda Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa saaka Magaaladda Hargeysa ka bilaabay olalaha dardargalinta kiradda Kaalmaha Dawlada oo ay qaranka masuul uga tahay wasaarad Howlaha Guud.

Masuuliyiinta iyo hawlwadeenadda wasaaradda hawlaha guud ayaa saaka Magaaladda hargeisa ka bilaabay olalaha dardargalinta kiradda Kaalmaha Dawlada taasoo ku waajibtay muwaadiniinta ku shaqaysta kaalmahaasi.

Agaasimaha waaxda guryaha ee wasaaradda Halwaha guud Eng Axmed Haybe Col-ujoog iyo agaasime ku xigeenka waaxda guryaha C/raxmaan Xasan Ismaciil oo hor ka cayay shaqaalaha ka shaqaynaya olalaha dardar galinta kirada kaalmaha dawlada ayaa ka bilaabay saaka qaybo kamida caasimada hargeysa.

Iyadoo dadka ku shaqaysta kaalmaha dawlada loogu Baaqay inay iska soo bixiyaan kirada ku waajibtay.

 

 

Leave a Reply