Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo Gaadhay Taliska Gooja-cadde.

0
152

Laascaanood(Dawan):-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimadka  Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa shalay gaadhay taliska Ciidanka Qaranka Soo lee   Goojacade

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka  Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa  kuurgalay  hawlaha gurmadka Caafimaadka ee Ciidanka qaranka ee  Gooja-cadde.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka  Maxamed Cabdi Xergeeye oo faahfaahin ka bixiyay  ujeedada socdaalkiisa,ayaa  yidhi”Waxa aanu u soconay  safar shaqo  oo aanu ugu soo kicitimnay Gobolada   Bariga oo u jeedadiisu ahayd  sidii aanu xogogaal ugu  noqon  lahayn hawlaha Caafimaad ee ka socda,waxaana aanu doonaynaa  in aanu u kuurgalno  Cisbitaalada Gobolada Bariga iyo  jiida  hore ee Gobolada bariga.iyo sida ay u socdaan  hawlaha gurmadka  sidii aanu xogogaal ugu noqon  la hayn,waxaana aanu  xerada Goojacade   kula kulanay  saraakiisha Ciidanka qaranka  iyo hawl wadeenada Wasaarada Caafimaadka  ee  Cisbitaalka Gooja-cadde jooga.waxaanan  soo aragnay hawsha ay hayaan iyo baahiyaha jira iyo sida dhamayska tiran ee Nafhur nimo leh ee Muwaadinimo leh  ee ay u shaqaynayaan hawl wadeenada  Caafimaadka,”.

Sidoo  kale  Abaanduulaha  Ciidamada qaranka  Somaliland Sarreeye  guuto   Siciid Bulaale Afguduud ayaa oo isaguna  halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu uga mahadnaqay Wasaarada Caafimaadka gurmadka ay la garabtaagan  yihiin Ciidamada qaranka Somaliland.Waxaana   uu yidhi”Waxa aan ka mahadcelinayaa agabka Caafimaad ee Wasaarada Caafimaadka Ciidanka qaranka ay  la  garabtaagan yihiin,waxaana aan leeyahay waad  mahadsantihiin Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka,”.

Leave a Reply