Booliiska Israaโiil ayaa weerar ku qaaday tobannaan qof oo ku cibaadaysanayay Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus kahor waaberigii Arbacdii shalay, sida ay sheegeen goob joogayaal.
Dhacdadan ayaa waxa ay dhalisay mudaaharaadyo ka dhacay guud ahaan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, waxaana milatariga Israaโiil ay sheegeen in sagaal gantaal looga soo ganay Qaza.
Rabshadaha ka socda Daanta Galbeed ee la haysto iyo magaalada Quddus ayaa sii kordhay sanadkii la soo dhaafay, waxaana laga walaacsan yahay in xiisaddu ay sii kororto bishan, maadaama bisha barakeysan ee Ramadaan ay ku beegan tahay maalmaha ciidda Yuhuudda iyo kuwa Masiixiyiinta.
Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay in toddobo qof oo Falastiiniyiin ah ay dhaawacyo ka soo gaadheen rasaasta nooca cinjirka ah kadib markii ay isku dhaceen booliska Israaโiil oo ku sugnaa dhismaha Masjidka Al-Aqsa. Waxa ay intaa ku dartay in ciidamada Israaโiil ay ka hortagayeen dhakhaatiirteeda inay gaadhaan masaajidka.
โWaxaan ku fadhiyey kursi aan ku akhrisanayay Qurโaanka, waxay nagu soo tuureen bam-gacmeedyo, mid ka mid ah ayay laabta igaga dhuftay,” ayay tidhi iyada oo ooyeysa haweeneyd da’ ah oo la hadashay wakaaladda wararka ee Reuters.
Ciidamada booliiska Israa’iil ee qabsaday xarunta masaajidka ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay ku qasbanaadeen in ay gudaha u galaan masjidka kadib markii sida ay sheegeen kooxo ay ku tilmaameen inay waddeen ‘daandaansi’ oo wajiyada soo duubtay iyaga oo wata, ulo iyo dhagxaan.ay gudaha ay masjidka isku soo xidheen.