Maraykanka oo qorsheynaya inuu burburiyo shir-madaxeedka Ruushka iyo Afrika

0
117

Maraykanka ayaa isku dayaya inuu burburiyo shir-madaxeedka la qorsheeyay ee Ruushku la yeelanayo dalalka Afrika, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu go’doominayo Moscow, sida uu ku sheegay wareysi Salaasadii lala yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Sergei Lavrov.


Lavrov ayaa u sheegay barta wararka ee Argumenty i Fakty in Moscow ay ka duwan tahay waddamada reer galbeedka marka la eego xidhiidhka ay la leedahay Afrika. “Weligay uma sheegin saaxiibadeenna shisheeye sida ay tahay inay u noolaadaan. Mana lihin ajande qarsoon”ayuu yidhi.

Moscow ayaa isu diyaarinaysa shir-madaxeedkii labaad ee ay la yeelato waddamada Afrika, kaas oo la qorsheeyay in dhamaadka bisha July uu ka dhaco St. Petersburg, kaas oo looga hadlayo mashaariicda kaabayaasha, tignoolajiyada iyo tamarta.

“Waa run in Maraykanka iyo gacan-ku-dhiiglayaashiisu ay sameynayaan wax kasta oo suurtagal ah si loo gaadho go’doominta caalamiga ah ee Ruushka, si gaar ah, waxay isku dayayaan inay burburiyaan shirka labaad ee la qorsheeyay ee Ruushka iyo Afrika … si ay uga dhaadhiciyaan saaxiibadeena Afrikaanka ah in aanay ka qaybgalin.” ayuu raaciyay Lavrov.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka si toos ah ugama aanay jawaabin eedeymaha Lavrov, balse waxay sheegtay in Washington ay doonayso in ay xidhiidh adag la sameyso dalalka Afrika “si aan wax uga qabanno caqabadaha guud ee naga dhaxeeya, siyaasaddayada ku wajahan Afrika waxay khuseysaa Afrika.” ayaa lagu yidhi bayaanka Maraykanka.

Leave a Reply