Caruurtii Adoomada Ahayd

0
274

Dhamaadkii Qarnigii 20aad Gobolka Florida ee dalka  Maraykanka waxaa aad ugu badnaa Yaxaaska iyo dadka madowga ah oo loola dhaqmi jiray sida adoomada. Waxaana taariikhdu cadaysay in sanado badan halkaasi lagu waayay boqolaal caruur ah oo ay dadkaasi madoobi dhaleen, kuwaasi oo aanay ilaa maanta ehelkoodu garnayan meel ay ku danbeeyeen.

Arintaasi ayaa xidhiidh la leh taariikhda xun ee basharka taasi oo ah tan ay ku dhisan tahay America ilaa wakhtigan. Dadka caruurta afduuba oo ah cadaanka ayaa raashin uga dhigi jiray Yaxaaska caruurta madowga ah.

Ilamah yar ayay xadhig ku xidhi jireen webiga dacalkiisa halkaasi oo uu Yaxaasku aad uga badanaa. Marka Yaxaasku ilmahaasi yar cuno ee uu dhameeyo ayay iyagu haddana ugaadhsan jireen iyagoo mara ay dilaan haragiisa ka samayn jiray shandado iyo suuman.

Wargeyska The Times ayaa lagu daabacay warbixintan sanadkii 1923, iyadoo xarun ay u ahayd Florida, inkastoo masuuliyiin diideen arinkaasi, laakiin may qarin kareen xaqaa’iqa dhacdooyinka taariikhiga ah ee dhacay 1870 -1920 intii uu dhxayasay oo boqolaal caruur ah lagu waayay gobolkaasi.  Laakiin mid ka mid ah dadkii cadaanka ahaa ee arinkan samayn jiray oo ayaa wakhtigii uu sii dhimanayay cadeeyay arinkan oo yidhi “ Waxan arkayay qoyskayaga oo hawl galadan ugaadhsiga ee Yaxaaska u adeegsna jiray caruurta dadka madow. Taariikhada dadka cadaanka ah ee Maraykanka sidaasi ayay baalasheedu u madow yihiin una khariban yihiin.

 

 

 

 

Leave a Reply