Halkan Yaa Lagu Dawaynayaa?!

0
263

Markii Madaxweynihii hore ee Masar lagu dawayanayay Isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka , waxa qolka ku xigay isagana lagu dawaynayay muwaadiin Jarmal ah oo xanuunsanayay.

Ninkaasi ayaa aad ula yaabay sida ninkan qolka ku xiga ku jira loo ilaalinyo loona daryeelayo, markii uu dadkii weydiiyay waxay u sheegeen inuu yahay Xusni Mubaark, madaxaweynaha Masar.

Ninkaasi ayaa weydiiyay imisa sano ayuu dalkiisa xukumayay? Waxaan loo sheegay inay tahay 25 sano.  Ka dibna wuxu yidhi “ Dood la’aan ninkaasi waa shakhiysad faashil ah “. Dadkii ayaa weydiiyay sababta ? Waxaana uu ku jawaabay “ Isagoo dalka mudadaasi dheer xukumayay ayaanu awood u helin inuu dhiso Isbitaal lagu daweeyo, kaasi waa mufsad keligii taliye ah” , Waxa la weydiiyay waan garanay in aanu waxba qaban, laakiin maxaad ula jeedaa keligii taliye ?” Ka dib wuxu ku jawaabay “ Waxaanu kalsooni ku qabin dhakhaatiirta dalkiisa”. Masar waa dal qani ah oo Gaasta dabiiciga ah soo saara, isla markaana beeraha Niilka Raashinka ka baxa dunida kale ka iibiya. Haddana waa dalkaasi saboolka ah ee aan lahayn xataa Cisbitaal madaxdiisa iyo dadkiisa daryeela.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply