Dawladda hoose ee Degmada Sallexley oo loo Qabtay tabbabar Mihiima

0
119

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland ayaa tabbabar ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga dawladda hoose ee degmada Salaxley u qabatay xildhibaanada Golaha Degaanka iyo masuuliyiinta kale ee Dawladda Hoose.

Tababarkan ayaa ka mid ah mashaariicda maamulka daadejinta Dawladaha hoose, kaas oo ah sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga Dawladda hoose ee Degmada Salaxley (District Revenue Mobilisation Workshop).

Kulankan waxaa ka qayb galay agaasimeyaasha Waaxyaha Maamulka Gobolada iyo Dawladaha Hoose, Agaasimka Gender ka iyo Xuquuqul Insaanka.

Kulankan ayaa muddada uu socdo ay duruusta bixin doonaan macalimiin khibrad iyo waayo aragnimo u leh casharada la qaadanayo la xidhiidha koboco dakhliga dawladda hoose ee Salaxley.

Leave a Reply