Duuliye soo fadhiisiyey Diyaarad ka dib markii Mas ugu soo galay qolkii hagista

0
130

Duuliye u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa lagu amaanay inuu ku guuleystay inuu si deg deg ah u soo dajiyo, ka dib markii uu arkay maska nooca loo yaqaan Kobra oo kursigiisa hoostiisa ku jira, sida ay sheegtay warbaahinta guduhu.

Rudolph Erasmus ayaa afar rakaab ah ka soo qaaday Cape Town subaxnimadii Isniintii la soo dhaafay isaga oo ku sii jeeday magaalada Nelspruit ee waqooyiga, laakiin waxaa lagu qasbay inuu soo gaabiyo safarka ka dib markii uu Kurisigii uu ku fadhiyey uu ka dareemay qabow, sida uu u sheegay Times Live news website..

“Markii aan bidixdayda u soo jeestay oo aan hoos eegay, waxaan arkay cobra [Mas] madaxa dib u sii celinaya kursigayga hoostiisa,” ayaa laga soo xigtay isaga oo leh.

Cobra ayaa qofkii ay qaniino ku dili kara 30 daqiiqo gudahood, sida ay sheegeen dadka yaqaan. Guddoomiyaha duulista rayidka ee Koonfur Afrika ayaa Mr Erasmus ku tilmaamay geesi, sida ay ku warrantay shabakadda news24.

“Diyaarad aad u weyn oo badbaadisay dhammaan dadkii diyaaradda saarnaa,” Poppy Khosa ayaa isna sidaa yidhi.

Duuliyaha ayaa sheegay in aanu u sheegin rakaabkiisa ka dib markii uu arkay maskii inta lagu guda jiro duulimaadka. Waxaana uu sheegay in aanu doonayn in uu argagax sameeyo.

“Dhibaato ayaa jirta. Mas ayaa  ku jiraa gudaha diyaaradda. Waxa aan dareemay in ay kursigayga hoostiisa ku jirto sidaa awgeed waxa aanu doonaynaa in aanu sida ugu dhaqsaha badan diyaarada ugu soo dejino dhulka”ayuu yidhi.

Waxa uu ku guulaystay in uu si degdeg ah ugu soo deggo Welkom. Laakiin Injineerada diyaaradda may helin Maskii markii la baadhay, ayuu yidhi Mr Erasmus. Waxa uu rajaynaya inuu duulimaadkiisa sii wato.

Leave a Reply