Pual Kagame oo wariye noqonaya marka uu shaqada ka fadhiisto

0
177

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa sheegay in uu rajaynayo in uu shaqada ka fadhiisto oo uu xilka wareejiyo ka dib markii uu 23 sano oo uu xilka hayay.

Isaga oo ka hadlayay shir jaraa’id isaga oo uu dhinac taagan yahay dhiggiisa Kenya, William Ruto oo booqaho ku yimi caasimadda Rwanda ee Kigali, ayuu Mr Kagame sheegay in qorshaha xil ka degistiisa ay si firfircoon uga hadlayaan xisbiga talada haya, isaga oo tilmaamay inuu shaqada ka fadhiistaa in ay tahay mid aan laga fursan karin.

Mr Kagame ayaa sheegay in aanun daneyneynin in uu doorto qofka bedeli doona balse uu doonayo in uu abuuro jawi dhalin kara dad wax hogaamin kara.

“Xisbiga  talada haya ilaa 2010 ayaanu wada-hadalaynay arrintan, laakiin duruufaha, caqabadaha iyo taariikhda Ruwaanda ayaa waxyaalo badan caqabad ku ah,” ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in hawlgabnimadiisa ay tahay arrin ay tahay in laga hadlo “ha dheeraato ama ha dhowaatee”.

“Waan hubaa in maalin maalmaha ka mid ah laga yaabo in aan ku biiro saxaafadda aniga oo da’ ah, taas aad ayaan u rajeynayaa,” ayuu yidhi Mr Kagame.

Hadalkiisa ayaa imaanaya maalmo kadib markii xisbiga talada haya ee Rwandan Patriotic Front (RPF-Inkotanyi), ay doorteen haweeneydii ugu horeysay ee gudoomiye ku xigeen.

Madaxweyne Kagame ayaa sii xajistay jagada guddoomiyenimada. Waxa uu xisbiga hogaaminayay ilaa 1998-kii.

Tani ma ahayn markii ugu horeysay ee Mr Kagame uu ka hadlo hawlgabnimada. Bishii Disembar 2022, wuxuu sheegay in aanay wax dhib ah ku hayn inuu noqdo muwaadin caadi ah.

Mr Kagame waxa uu madaxweyne ka ahaa dalka Bariga Afrika tan iyo 2000. Afti muran dhalisay oo dhacday 2015-kii ayaa meesha ka saartay xaddidaadda dastuuriga ah ee labada xilli ee madaxweyneyaasha.

Madaxweynaha ayaa sanadkii hore u sheegay mid ka mid ah TV-yada Faransiiska inuu mar kale isu soo taagi doono xilka madaxtinimada doorashada soo socota ee 2024.

Leave a Reply