Soomaaliya oo Caddaysay in Garaaddadu Masuul ka yihiin Dagaalka Laascaanood

0
208

Muqdisho-(Dawan):- Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in madax-dhaqameedka Laascaanood ku sugan in ay  masuul ka yihiin in shacabku magaalada ka qaxaan, laguna dagaalamo magaalada Laascaanood.

Kulan Ergeyga Soomaaliya u qaabilsan Somaliland la yeeshay masuuliyiin ka  tirsan Xukuumadda Soomaaliya, ayaa Raysal-wasaare xigeenka Soomaaliya  Saalax Axmed Jaamac shaaca kaga qaaday in madaxda Somaliland aanay masuul ka ahayn dagaalka Laascaanood.

Hadal uu ka jeediyey Saalax kulanka ayuu ku sheegay inaanay Siyaaasiyiinta Somaliland lahayn sababta dagaalka Laascaanood, waxaanu yidhi,

“Guuldarada keentay in Laascaanood maati lagu dul dagaalamo, oo la bara-kiciyo, maaha mid siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka Somaliland ay keeneen.”

Waxaanu hadalkiisa ku daray Raysalwasaare ku xigeenka Soomaaliya  “waa guuldaro dhinaca dhaqanka ka yimi, waa guuldaro ka timi inta deriska la ah meel kasta oo ay joogaan.”

Dhinaca kale wuxuu sheegay in xukuumada Soomaaliya aanay diyaar u ahayn in gobol gaar  ah xal u hesho.

 

Leave a Reply