Madaxweynaha Qaranka oo ka Hadlay Geerida Marxuum Ismaaciil Buubaa

0
102

Madaxda Xisbiyada qaranka oo ka tacsiyeeyay Bulshada Geerida Marxuum Prof:  Ismaaciil Buubaa

 

Hargeysa(Dawan:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa ka hadlay Geerida Marxuum Prof: Mujaahid Ismaaciil Maxamuud Hurre, Buubaa oo shalay u geeriyooday dalka Turkiga oo uu muddo xaalad caafimaad cisbitaal ugu jiray.

Madaxweynaha Qaranka ,ayaa Marxuumka ku sifeeyay siyaasi iyo halgamaa dalka iyo dadkiisaba usoo shaqeeyay isla markaana naftiisa usoo huray oo usoo halgamay,waxaanu shacbiga Somaliland ka tacsiyeeyay siyaasiga miisaanka ku lahaa dalka eek a baxay,waxaanu Marxuumka ALLE uga baryay in uu u naxariisto

 

Qoraal ka soo baxay qasriga Madaxtooyada oo ayaa u dhignaa sidan. “ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi , isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka, Eheladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo ku geeriyooday Dalka Turkiga maanta(shalay) oo ay taariikhdu ahayd 05/04/2023.

 

Waxaanu Madaxweynuhu Marxuumka ku sifeeyey oday siyaasi ah oo xilal kala duwana ka soo qabtay Ururkii SNM, xukuumaddii Madaxweyne ALLE ha u naxaristee  Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur)na ka soo noqday Wasiirkii Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena soo qabtay mansabyo siyaasiya oo kala duwan.

 

Waxa uu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Qaranka, Eheladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqu ka siiyo

 

 

 

Dhinaca kale Musharaxa  jagada Madaxweynaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa qaranka Somaliland ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo shalay ku geeriyooyda dalka Turkiga. Qoraal kooban oo uu kaga hadlay geerida Marxuum Proff Ismaaciil Maxamuud Horre wxaa uu yidhi. “Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, caruurta. waayeelka, waxgaradka, asxaabta iyo Shacbka Soomaalida, gaar ahaan kuwa  Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo ku geeriyooday  dalka Turkiga.

 

Marxuumku waxa uu ahaa, siyaasi cabqari ah oo si weyn looga yaqaano Geeska Afrika, aqoonyahan culus oo bare sare ka soo noqday Jaamacadaha dalweynaha Maraykan, halgamaa ka tirsanaa Ururkii dib u xorreynta Jamhuuriyadda Somaliland ee SNM, isla markaana xilal sare ka soo qabtay Xukuumaddii Somaliland ee uu hoggaaminayey Madaxweyne ALLE ha u naxariistee  Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo uu ka soo noqday Wasiirkii  Maaliyadda xilligaas, sida oo kalena ka soo qabtay mansabyo siyaasiya oo kala duwan Dawladda aynu jaarka nahay ee Soomaaliya oo uu ka gaadhay Raysal Wasaare Kuxigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda.

 

Marxuumka, waxa aan ALLE  uga baryayaa in uu Jannatul firdowsa geeyo, dambigiisa dhaafo, innagana dhammaanteen innaga wada siiyo, samir iyo iimaan saadaq ah. Aamiin

 

Sidoo kale guddoomiyah axisbiga Waddani oo isna ka hadlay Geerida Marxuum Prof Simaaciil Buubaa,ayaa qoraal uu soo saaray oo wargeyska Dawan soo  gaadhay ku yidhi. “Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, asxaabta, aqoonyahanka, waxgaradka iyo guud ahaan dadka soomaalida iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ka baxay Alle ha u naxariisto e, Marxuum Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo ku geeryooday dalka Turkiga.

 

Marxuumku wuxuu aqoonyahan ummadeed iyo masuul xilkas ah oo dadkiisa iyo dalkiisaba aqoontiisa iyo khibraddiisa wax ku taray, wakhtiyo badan oo kala duwanna u soo shaqeeyey, halgan naf iyo maal ahna u galay.

 

Waxa aan ALLE  uga baryayaa Marxuumka dambidhaaf iyo naxariis waasac ah, waxaanan u weydiinaynnaa inuu ka abaaliyo wanaaggii iyo samihii uu ummaddiisa u galay. Si gaar ah, dhammaan ehelka iyo qaraabadana waxa aan Ilaahay ugu weydinayaa Sabir iyo Iimaan saadiq ah

 

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID,Eng Faysal Cali waraabe oo bulshada ka tacsiyeeyay Geerida Prof Ismaaciil Buubaa ayaa Marxuumka ku sifeeyay siyaasi iyo halgamaa naftiisa u huray qarana Somaliland,waxaanu yidhi. “  Guddoomiyaha Xisbiga UCD Eng Faysal Cali Waraabe isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID iyo ka Hogaanka Sare, Xubnaha Iyo Taageerayaasha Xisbiga UCD , Waxa aan  tacsi tiiraanyo leh u  dirayaa Dhamaan Qoyska, Qaraabada Ehelada iyo Guud ahaan Ummada reer  Somaliland ee uu ka baxay Allah ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Ismaaciil Hurreh Buubaa oo dalka Turkiga ku geeriyooday.

Allah Ha u naxariistee Marxumku waxa uu dalka iyo dadkaba soo geliyey tacab aad u badan, Waxa uu marxuumku ka mid ahaa haldoorka iyo Siyaasiyiinta laga qadariyo  geyiga  Somaliland

 

iyo Soomaaliyaba,  Waxaa uu ka mid ahaa hormoodkii Dhaqdhaqaaqi SNM. Waxaa uu ahaa Allah ha u naxariistee Wasiirkii Maaliyada Somaliland ee ugu horeeyey, lahaana hindisaha lacagta Somaliland. Waxaa uu  xilal kala duwan  uu ka soo qabtay Soomaaliya.

Waxaanu ahaa siyaasi ruug caddaa ah oo karti, hufnaan iyo hawl karnimo lagu majiiran jirey.

 

Allah  waxaan uga baryayaa naxariis waasac ah, Denbi Dhaaf, Su’aashana u fududdeeyo oo uu Allah  Ku Arsaaqo Janutal Firdowsada Alaclaa , Daanteena  Samir iyo iiman Saadiqa inaga Wada Siiyo”

 

 

 

Geesta kale Xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE ayaa tacsi qaran ka diray geerida Marxuum Prf: Ismaaciil Buubaa, Guddoomiye-Ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmad Cabdi dheere) isagoo ku hadlaya magaciisa iyo Ka bahweynta Xisbiga Kulmiye waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka, Eheladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo ku geeriyooday Dalka Turkiga maanta(shalay) oo ay taariikhdu tahay 05/04/2023.

Gudoomiwaxa uu ku sifeeyey marxuum Buubaa inuu ahaa oday siyaasi iyo aqoonyahan ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay Ururkii SNM, xukuumaddii Madaxweyne AHU Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo uu ka soo noqday Wasiirkii Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena soo qabtay mansabyo siyaasiya oo kala duwan.

 

Waxa uu Gudoomiye-Ku-xigeenku marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Qaranka, Eheladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

 

Meydka Marxuumka ayaa la filayaa in la keeno maalinta Jimcaha oo Hargeysa aas qaran lagu sagootiyo.

 

 

Leave a Reply