Itoobiya oo Baabiinaysa ciidamada Gaarka ah ee Dawlad Deegaanada

0
229

Addis Ababa-(Dawan):- Xukuumadda Itoobiya, ayaa sheegtay inay doonayso sidii  dhammaan ciidamada gaarka ah ee dawlad deegaanakada kililada  ugu biiri lahaayeen ciidamada qaranka, ama booliska federaalka ama gobolka, tallaabadaas oo loo malaynayo inay tahay isku day lagu doonayo in lagu dhimo ciidamada gaarka ah ee Dawlad Deegaanada Itoobiya.

Dalka Itoobiya waxay ka kooban tahay 10 gobol oo leh heer madax-bannaani, sida inay yeeshaan ciidan gobol oo iyaga u gaar ah iyo xuquuqda adeegsiga afkooda.

“Dowladdu waxay dejisay jihayn lagu dhisayo hal ciidan oo awood leh…waxay billowday tallaabooyin wax ku ool ah oo u oggolaanaya ciidamada gaarka ah ee dawlad deegaanada gobol walba in lagu daro Ciidamada amni ee kala duwan,” ayay dowladdu ku tidhi hadal ay soo saartay.

 

 

Leave a Reply