Maamulka Biden oo bixitaankii Afghanistan ee fowdada ahaa ku eedeeyey Trump

0
163

Maamulka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa warbixin cusub oo uu soo saaray oo ka hadlaysa ka bixitaankii fowdada ahaa ee Maraykanku kaga soo baxay Afgaanistaan ​​inuu mas’uul ka yahay madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Donald Trump.

Warbixin kooban oo ka kooban 12 bog ayaa lagu sheegay in Mr Trump uu xanibay” go’aamo, oo ay ku jireen heshiisyo  lala galay Taliban  oo tilmaamaya in sanadka 2020 la soo afjaro dagaalka.

Waxay kale oo warbixintu sidoo kale qiraysaa in ay ahayd in dowladdu ay bilawdo daad gureynta dadka rayidka ah marka hore.

Mr Trump ayaa go’aankiisani wuxuu horseeday ka bixitaankii dhimashada lahaa ee Agoosto 2021 kaas oo soo afjaray dagaalkii ugu dheeraa ee Maraykanka kaga jiray debbeda.

13 askari oo Maraykan ah iyo ku dhawaad ​​200 oo Afgaanistaan ​​ah ayaa dhintay intii ciidamada Maraykanka ay ku hawlanaayeen daad gureynta in ka badan 120,000 oo qof maalmo gudahood.

Dib u eegis lagu sameeyay go’aamadii iyo ficiladii horseeday ka bixitaanka, oo ay sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Pentagon, ayaa si gaar ah loogu diray Congress-ka Khamiistii.

Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Koongareeska Maraykanka, oo baadhaya ka bixitaanka, ayaa dalbanayay in la arko warbixinta muddo toddobaadyo ah.

Dukumeentiga ayaa ah mid sir ah, laakiin koobitaanka gunaanadkiisa – oo ay isku duba rideen Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad oo talo ka helay Madaxweyne Biden laftiisa – ayaa loo bandhigay dadweynaha.

Markii ay burburtay dawladdii Afgaanistaan, waxaa garoonka diyaaradaha ee Kabul ka muuqday muuqaallo quus ah oo dad badan ay isku dayeen inay ka baxsadaan Taliban.

26kii Agoosto, weerar ka dhacay garoonka diyaaradaha oo ay fuliyeen laba qof oo ismiidaamiyey ayaa lagu dilay 170 Afgaanistaan ​​ah iyo 13 askari oo Maraykan ah.

Maraykanka ayaa maalmo ka dib duqeyn diyaaradeed ka fuliyay Kabul, isaga oo sheegay in uu bartilmaameedsaday qof ismiidaamiyay, balse wuxuu qirtay in gantaalka uu ku dilay 10 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan 7 caruur ah.

Ciidamada Britain ayaa sidoo kale ku lug lahaa bixitaanka, laakiin xoghayaha difaaca Ben Wallace ayaa sheegay in wakhtigaas ay UK ay ku jirtay “xaalad aad u adag”.

Maalintii Khamiista, afhayeenka amniga qaranka ee madaxweyne Biden, John Kirby, ayaa hawlgalkii Afgaanistaan lagaga baxay ku tilmaamay mid ​​ gabaabsi ahaa oo laga dhaxlay maamulka Trump.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa ” dayacaad – iyo xaaladaha qaarkood hoos u dhigis ula kac ah” oo maamulka Trump la yimi.

Ka soo bixitaankii Afhganistan, maamulka Biden waxa uu la kulmay dhaleecayn adag gudaha iyo dibadda. Qaar badan ayaa muujiyay caro ay ka muujinayaan iska daayntii Afgaanistaan ​​​​iyo hubkii Maraykanka.

Qaar ka mid ah casharrada ayaa laga bartay dhammaadkii dagaalka Afgaanistaan, waxa ka mid ah iyada oo lagu guul dareystay in la saadaaliyo burburka lama filaanka ah ee dowladdii  Afgaanistaan loo dhisay, ayuu yidhi Mr Kirby.

Waxa uu intaa ku daray in tani ay saameyn ku yeelatay siyaasadda Maraykanka ee taageerada Ukraine ka hor duulaanka Ruushka.

Shir jaraa’id oo kulul oo ku qabtay Aqalka Cad, Mr Kirby waxa uu difaacay wakhtiga la sii daayay wax yar ka hor fasaxa usbuuca ee Maraykanka

Leave a Reply