Mudane cusub oo loo Dhaariyey Golaha Deegaanka Hargeysa

0
147

Hargeysa(Dawan)-Xildhibaan Caydaruus Cabdisamad Muxumed, ayaa loo dhaariyey xubinimada Golaha Deegaanka Hargeysa

 

Waxa uu buuxiyey Kursiga uu baneeyey alle ha u naxariisto’e marxuum Ismaaciil oo dhawaan geeriyooday.

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa dhaariyey xildhibaanka cusub ee kamid noqday golaha Deegaanka Hargeysa.

 

Mudane Caydaruus ayaa kamid ahaa murrashaxiintii Golaha deegaanka ee ku tartamay Hargeysa, waxaanu ahaa xubin Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ka soo baxay.

Mudanahan ayaa lagu sifeeyey shakhsi aqoon iyo waayo-aragnimo u leh maamulka iyo masuuliyadda loo dhaariyey, waxaana munaasibada lagu dhaariyey goob-joog ka ahaa Maayarka Caasimada Cabdikariin Axmed Mooge, kaasoo ku soo dhaweeyey kamid noqoshada golaha Deegaanka.

Leave a Reply