Gabbood Fallada Puntland ka Waddo Laascaanood iyo Tirada Dilalkii ugu Dambeeyay ee ay ka Geysteen

0
297

Laascaanood(Dawan):- laga soo bilaabo maalintii duulaanka ka dhanka ah Somaliland lagu spo qaaday xarunta gobolka Soo lee Laascaanood waxaa isa soo  tarayayy gabbood fallada ka dhanka ah aadaminimada ee Maamul goboleedka Puntlad  iyo kooxaha huwanta ah eek u soo duulay Somaliland ee Laascaanood kula dagaalamaya ciidanka qaranka Somaliland tacadiyada ka dhanka bulshada  reer Laascaanood ee ay ka geysanayaan gudaha magaalada Laascaanood.

Lagga soo bilaabo Lixdii bishii labaad ee sannadkan waxaa ciidanka            qaranka Somaliland dagaal kusoo qaaday isla markaana magaalada Laascaanood ka dagaalamayay kooxo huwan ah oo Puntland kow ka tahay,kuwaas oo dhibaatayn iyo gabbood fallo joogto ah ku hayay bulshada ay ku baro kiciyeen dagaalka ay ku soo qaadeen Somaliland.

 

Puntland oo dagaal dhul ballaadhsi ah ku soo qaadday Somaliland isla markaana shaaq qabiilaysan kusoo gashay dagaalka ka dhanka ah Somaliladn ayaa dilal iyo tacadiyo ka dhan ah bulshada Laascaanod ka geysatay Somaliland.

Waxaanay la wareegeen oo ay dhammaan bililiqaysteen wixii hanti ay lahaayeen dadka ay maro kiciyeen eek u dhaqnaa magaalada Laascaanood.

Waxaa kale oo ay si joogto ah dadka yar ee ku hadhay Laascaanood ay ku hayaan dil,kufsi iyo dhac joogto ah,iyagoo cid kasta oo ka hor timaadda duulaanka ka dhanka ah Somaliland ee Puntland iyo huwanta argagixisada ah ee ay is bahaysteen ee dagaalka kula jira ciidanka qaranka Somaliland ay si aan gabasho lahayn ugu dhex toogtaan gudaha magaalada Laascaanood.

Gabbood falada ka dhanka ah bulshada ku sii hadhay magaalada Laascaanood ay u gesyteen ciidanka Puntland iyo maleeshiyaadka aragagixisiada ah ee is bahaystay kuwii ugu dambeeyay ayaa ahaa dilka Ganacsade ka hor yimi duulaanka ka dhanka ah Somaliland oo ay si badheedh ah habeen hore ugu dhex toogteen gudaha magaalada Laascaanood, ganacsahadaas oo loo dilay oo keliya in uu ka hor yimi dagaalka ka dhanka ah Somaliland iyo dhul ballaadhsiga ay waddo Puntland.

Ganacsadaha la dilay ayaa la odhan jiray Maxamed Yuusuf (Doolaqash), kaasoo ahaa nin caan ah oo laga yaqaanay gobolka Sool.

Waxaa kale oo ay gabbood falada ka dhanka ah ee ay Puntland ku hayso ayay u gesyteen oo ay ku dileen Alle ha unaxariistee Aamina Siciid Shire ka dib markii ay kufsi wadareed  kula kaceen.

 

 

Waxaa kale ooo ka horreeyay dhallinaro  dilalkaa iyo kufsiga ay labadii maalmood ee ugu dambeeyay ay ka geysteen gudaha magaalada Laascaanoood.

Boobka hantidii ay ka baro kaceen dadkii ay magaalada ka qixiyeen oo ay dhammaanteed bililiqaysteen isla markaana aanay hal shay kaga tegin magaalada una rareen  deegaanada Puntland.

 

Waxaa akle oo ay gabbood fallo ka dhan ah bulshada ka geysteen deegaanka Tukaraq oo ay boob hantiyeed iyo kufsi iyo dilal b aka geysteen magaalada Tukarag dhexdeeda.

Qaylo dhaanta ka soo baxaysa bulshada Laascaanood ee ka gadooday dhibaatooyinka dilalka Kufsiga iyo dhaca isugu jira ee ay ka gaysteen Puntand ayay kaga jawaabayaan kooxaha huwanta ah ee sugan magaalada Laascaanood dil iyo cabudhin ay dadka ku hayaan waxaana soo baxday oo bulshada reer Laascaanood u caddaatay in duulaanka Puntland iyo kooxaha aragagixisadu ku soo qaadeen Somaliland in ay yihiin dagaal dhul ballaadhsi iyo hanti doon ah oo lagu xalaashanayay hantida dadka reer Laascaanood.

Waxaana hore qaylo dhaan kala duwan uga soo saaray qaar ka mid ah bulshada reer Laascaanood oo ka gilgishay boobka hantiyeed iyo dilalka joogtada ah ee Puntland ka waddo Laascaanood.

 

 

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in dadka rayidka ah ee dilalka loo geystay siddeed iyo afartankii saacadood ee la soo dhaafay ay gaadhayaan ilaa afar qof, kuwaasoo la sheegay inay dhamaantood ku wada baxeen gacanta maleeshiyaadka Puntland, waxaanay dhacdooyinkaasi caddayn u yihiin ku lug-lahaanshiyaha Garoowe ee dilalkii qorsheysnaa ee laga geysan jiray Laascaanood. Sidoo kale waxay muujinaysaa in imaanshiyahooda duulaanka ah ee magaaladaasi uu salka ku hayo xasuuq iyo dabar-goyn bulshada deegaanka gobolka Sool.

Dhinaca kale ciidanka qaranka Somaliland ayaa ballan qaaday in ay ka xoraynayaan bulshada magaalada Laascaanood maleeshiyaadka Puntland iyo kooxaha argagixisada ah eek u soo duulay isla markaana aanay u dul qaadanayn in dadkooda la dhibaateeyo.

 

 

 

Leave a Reply