Madaxweynaha oo Kulan la Qaatay Tobanka Urur Siyaasadeed ee u soo Baxay Tartanka Doorashooyinka

0
272

Ururada Siyaasadda oo ballanqaaday inay ka qeybgelayaan Difaaca Qaranka

 

 

Hargeysa-(Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulan ujeedadiisu ahayd xog-waran iyo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrinta laascaanood la yeeshay tobanka urur siyaasadeed ee u soo baxay tartanka doorashada ururada iyo asxaabta Qaranka Somaliland.

Ugu horayn Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa warbixin dheer ka bixiyey mar xaladihii kala duwanaa ee ay soo martay xaaladda laascaanood.

 

Tobanka Urur Siyaasadeed ee kala ah Urur siyaasadeedka Horsed, Urur  Kaah, Ogaal,Rejo, Talo-wadaag, Mideeye, Waaberi, Barwaaqo, Hillaac iyo Urur Siyaaasadeedka Shacabka ayaa madaxweynaha Qaranka Somaliland, uga mahadceliyey, sida degdegga ah ee uu uga aqbalay codsigoodii ahaa inay la kulmaan, iyagoo u soo jeediyey xukuumadda uu  madaxweynuhu gadhwadeenka ka yahay tallooyin ku saabsan xal u helidda arrimaha ka taagan Laascaanood.

Waxa kale oo ay xuseen inay difaaca dalka ku barbar taagan yihiin dawladda, isla markaana tallaabo kasta oo xal nabadeed loogu raadinayo si loo soo afjaro dagaalka laascaanood in  ay kala qayb-qaadanayaan Xukuumadda.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu uga mahadceliyey madaxda Ururada Siyaasadda dareenkooda muwaadinimo ee ay u muujiyeen dalkooda iyo dadkooda, isla markaana waxa uu soo dhaweeyey Madaxweynuhu tallooyinka lagu xoojinayo arrimaha xal u helida Laascaanood.

 

Leave a Reply