Wasaarada Warfaafinta oo ka Digtay Qabasahda Doodaha Baalmarsan Dhaqanka Suuban

0
384

Hargeysa(Dawan):-Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta  Somaliland ayaa,digniin kama dambays ah ka soo saartay qabasahda doodah aka dhanka ah dhaqanka suubban iyo anshaxa Diinta Islaamka.

 

Warsaxaafaded uu soo saaray  Wasiir ku xigeenka  Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta  Somaliland Siciid Xasan Habane  ayaa waxa lagu sheegay in talaabo laga  qaadi doono cidii ku kacda Arimahaas.

Waxaana uu u dhignaa  sidan.

“U Jeeddo: Joojinta Baahinta Doodaha, Waraysivada, Warbixinaha ka hor-imanava Dhaqanka, Anshaxa Suuban iyo Diinta.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda qaran sida ku xusan xeer nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumada ee xeer Ir.01/2018 oo ka duulaya ilaalinta dhaqanka suuban iyo qiyamka wanaagsan ee bulshada, waxa ay guud ahaan qaybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka uga digaysa in ay baahiyaan doodaha iyo waraysiyada xambaarsan fariimaha liddiga ku ah Diinta Islaamka, Ansha umada iyo haqanka soo jireenka ah. Sida

1. Doodaha, waraysiyada iyo warbixinaha dhiirigalinaya Caasil-waalidiinka 2. Doodaha, waraysiyada iyo warbixinaha meel ka dhaca ku ah karaamada iyo sharafta haweenka iyo qoyska

3. Doodaha, waraysiyada iyo warbixinaha meel ka dhaca ku ah karaamada shakhsiga 4. Doodaha, waraysiyada iyo warbixinaha abuuri Kara khilaaf-diineed oo hor leh.

Hadaba, Wasaaradda Warfaafinta waxa ay ku adkaynaysaa Warbaahinta in ay ka waantoobaan baahinta arrimahaasi baal-marsan dhaqanka suuban, iyada oo talaabo laga qaadi doono ciddi ku kacda arrimahaasi.”.

Leave a Reply