Madaxii hay’adda socdaalka Mexico oo baadhis lagu wado

0
150

Hargeysa (Dawan) Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mexico ayaa sheegay inay baadhitaan ku bilaabeen madaxa hay’adda socdaalka ee dalkaas, iyada oo loo haysto dab ka kacay bishii hore, xarun lagu hayo muhaajiriinta, oo ay ku dhinteen dad badani.

War qoraal ah oo la sii daayey xilli dambe oo Salaasadii ah, ayaa lagu sheegay in Madaxa ha’yadda Socdaalka Qaranka Francisco Garduna, inuu ku guul daraystay inuu qaado tallaabooyin looga hortegayo dabkii ka kacay bishii March 27-keedii, xarunta hay’adda ee ku taalla magaalada Ciudad Juarez, halkaas oo ay ku dhinteen 40 muhaajiriin ahi.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay in hay’addu ay wax ka ogayd dhibaatooyinka ka jira xarumaha lagu hayo muhaajiriinta, ka dib markii qof soo galooti ahi uu ku dhintay dab ka kacay xarun kale oo lagu hayo muhaajiriinta sannadkii 2020.

Dhawr sarkaal oo xilal sarsare ka haya hay’adda socdaalka ayaa sidoo kale lagu wadaa baadhitaan dembiyeed, laakiin bayaanka laguma sheegin eedaha loo haysto.

Madaxweynaha dalkaas Andres Manuel Loppez Obrador ayaa sheegay in muhajiriintu ay awoodi waayeen inay ka baxaan goobta dabku qabsaday, sababtoo ah waxaa goobtaba ka maqnaa saraakiishii xarunta ee furayaasha hayey.

Bishii hore waxaa xabsiga la dhigay shan qof oo lala xidhiidhinayo dabkan.

Qaar ka mid ah macluumaadka warbixintan ayaa ka yimid Associated Press iyo Reuters.

Leave a Reply