Xadiiska Maanta

0
338

 

Saxaabiga Abuu Yaxyaa Suhayb Ibn Sinaan (Rc) wuxuu yidhi: Nabigu (scw) wuxuu yidhi: “ Arrinka qofka mu’minka ahi waa wax wanaagsan oo la yaab leh. Waxa kasta waa u kheyr.  Sifada iyo tilmaantaasna waxaa iska leh mu’minka oo keliya cid kalena lama wadaagto. Hadii uu helo wax wanaagsan wuxu ugu mahadnaqaa Allah (sw) taasina waa u kheyr,  haddii ay dhibaato la soo gudboonaato wuu ku sabraa, qaddarka iyo qadaha Allah-na raalli ayuu ka noqdaa, taasina sidoo kale waa u khayr”. (Muslim)

Abuu Hurayrah (Rc) wuxuu soo weriyey in Nebigu (scw) yidhi: “Allah kor ahaaye wuxuu leeyahay: Uma hayo abaalgud kaga wanaagsan Jannada, Addoonkayga sabra, oo Allah kaga ajar suga, oo adkeysta, markii aan ka oofsado mid ka mid ah eheladiis oo ah kuwa uu ugu jecel yahay adduunka’. (Bukhaari)

Leave a Reply