Dambi-baadheyaal Boolis ah oo Tababar Dhammaystay

0
208

Hargeysa(Dawan):-Hoggaanka tababarka  ciidanka booliska Somaliland,  gaashaanle sare Khadar Jaamac Cilmi,  ayaa tababar u soo xidhay baadhayaal cusub oo ka mid noqon doona baadheyaasha ciidanka booliska Somaliland

 

Baadhayaashan ayaa ah dufcadii sadexaad ee ka baxa Dugsiga tababarka Lixle Madheera.

 

Badhayaashan ayaa muddo shan bilood ah lagu tababarayay koorsooyin la xidhiidha baadhista dambiyada.

 

Baadhayaashan ayaa ah dhallinyaro aqoonyahano ah kuwaas oo laga soo dhex xulay Ciidanka Booliska Somaliland.

 

Muddooyinkii u danbeeyay waxa madaxda ciidanka booliska Somaliland ay ku hawlanayeen kor u qaadista khibrada iyo waayo aragnimada baadheyaasha ciidanka booliska.

Leave a Reply