Kulan lagu Horumarinayo Waxbarashada reer Miyiga oo Qodobbo Muhiim ah laga soo saaray

0
169

Hargeysa (Dawan):- Kulan lagaga Hadlayay horumarinta waxbarashaada reer Miyiga oo Hargeysa lagu qabtay,ayaa laga soo saaray qodobbo muhiim ah oo lagu horumarinayo waxbarashada.

 

Kulankaas oo  ay wada jir u soo qaban qaabiyeen wasaaradaha waxbarashada iyo  horumarinta reer miyiga ,ayaa waxaa kasoo qayb galay  Wasiiradda wasaaraddaha   waxbarashada iyo horumarinta reer miyiga iyo agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta reer  miyiga,  agaasime waaxeedyo iyo xeel-dheereyaasha labadda wasaaradood kulanka oo lagu gorfaynayay horumarinta waxbarashadda reer miyiga ayay  ku yeesheen xarunta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland.

 

Kulanka oo  laba geesood aha ayaa lagu gorfeeyay horumarinta waxbarshadda reer Miyiga, iyadoo la isla qaatay in la siiwado, islamrkaana halkii hore laga ambaqaado Barnaamijka waxbarashada miyiga ee Aqoon-jire, kaas oo ay hore u curisay wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland.

 

Labaddaa wasaaradood iyo dhinacyadda kale ee ay qusayso ayaa ka wada shaqaynaya barnaamijka Aqoon-jire oo ku salaysan tiknoolajiyadda casriga ah ee ku shaqaysa Tamarta Qoraxda, isla markaana lagu horumarinayo waxbarashada dadka reer miyiga iyo xoola dhaqato beeraleyda.

 

Haddaba intii kulankani socday Qodobaddii  ka soo baxay waxaa ka mid ahaa.

 

  1. In labada wasaaradood si wadajir ah uga hawl-galaan horumarinta waxbarshadda dadka dadka miyiga.

 

  1. In la sameeyo Daladda waxbarashda miyiga oo magaceeda la yidhaahdo, Daladda Aqoon-jire oo ka kooban labada wasaaradood iyo daneeyayaasha waxbarshadda iyo horumarint reer miyiga.

 

  1. Inuu qabsoomo kulan bile ah oo ay ka qayb gallaan xubnaha Dalada Aqoon-jire ee horumarinta waxbarashadda reer miyiga.

 

  1. In la mideeyo khayraadka horumarinta reer miyiga si ay waxtar ugu yeelato deegaanada miyiga ah.

 

  1. In la sameeyo cilmi baadhis iyo sahan xog-sugid ah si go’aamo iyo talo-wadaag xog iyo xaqiiqooyin ku salaysan loogu hoggaamiyo horumarinta deegaamada miyiga ah

 

 

 

Leave a Reply