Somaliland oo Ficil u Bedeshay Xuska Maalinta Dhir Beerista Qaranka

0
246

Hargeysa (Dawan):- guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland ayaa ficil dhir beeris ah u rogay xuska maalinta dhir beerista qaranka Somaliland,waxaana gobolada iyo degmooyinka dalka laga breray dhir,tallaabadaas oo ay hoggaaminayeen madaxda wasaaradda deegaanka iyo is bedelka Cimilada ee gobolada iyo degmooyinka dalku.

Isu duwaha wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada Somaliland ee gobolka Sanaag Cali Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in 35 kun oo geed ay qaybiyeen, waxaanu ka codsaday bulshaweynta ku nool magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, in ay dhirtaasi xil iska saaraan beeristeeda.

Sidoo kale  magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa lagu qabtay munaasibad lagu xusayay maalinta  dhir beerista Qaranka, waxaanu isu duwaha wasaaradda degaanka ee gobolka Saaxil   Jamaal Jaamac Cali, uu  sheegay in ay dhir ka beerayaan xafiiska maamulka gobolka Saaxil , waxaanu intaa ku daray in bulshada uu ugu baaqayo in ay dhir badan beeraan si deegaanku u noqodo mid cagaaran.

 

Geesta kale magaalada Burco ayaa laga xusey maalinta dhir beerista, iyadoo ka qaybqaateen masuuliyiinta kala duwan gobolkaasi Togdheer.

Isuduwaha wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Somaliland ee gobolka Togdheer,   Siciid Haybe ayaa sheegay in 20 cisho cisho ay wadeen qaybinta dhirtani, waxaanu xusey in dhirtaasi wax weyn ka tari doonto isbedelka deegaanka ku yimid iyo abaaraha ku soo noqnoqaya deegaanka.

Magaalada Gabiley ayaa sidoo kale lagu qabtay xuska maalinta dhir beerista, waxaanu  isu duwaha wasaaradda degaanka ee gobolka Gabiley bulshada kula dardaarmay, in ay ka faa’idaysteen ololahan dhirbeerista mudada lagu guda jiro xilli roobaadka.

 

 

Leave a Reply