Wasaarada Caafimaadka oo Daahfurtay kulan lagaga hadlayo Xeerka Naasnuujinta.

0
238

Hargeysa(Dawan)Wasaarada Horumarinta Caafimaadka ayaa daahfurtay  kulan lagaga hadlayo Xeerka qabyo qoraaalka Naasnuujinta.

Agaasimaha  guu ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Dr.Maxamed Cabdi  Xergeeye oo hadal ka jeediyay furitaankii kulankan  ayaa waxa uu sheegay muhiimada uu  qaranka u leeyahay Xeerka Naasnuujinta.

Waxaana uu yidhi”Xeerkan qabyo  qoraaalka Naasnuujinta ahmiyad weyn  ayuu u leeyahay  qaranka, Wasaarada Caafimaadka waxa ay  dareensantahay ahmiyada uu leeyahay xeerkani.sida aynu  ogsoonahay Caruur badan ayaa u dhimata oo u geeriyoota xanuunka  shubanka,waxaaana loo aanaynayaa waxa sababa isticmaalka  Masaasada.waxaaana  aad  loo  dareensanyahay faa,iidada uu leeyahay Naasnuujinta lixda  bilood ee hore. waxaana xeerkani muhiim u  yahay in aynu  dhiirigalino Naasnuujinta lixda bilood  ee ugu  horeeya, anigana agaasime  ahaan muhiimad  weyn ayay ii  leedahay in aan dhiirigaliyo Naasnuujinta.waxaana halkan ka cadaynaynaa  in  Wasaarada  Caafimaadka dhiirigalinayso xeerkan.waxaana uga  mahad celinaynaa cid kasta oo  nagala  soo  shaqaysay Xeerka Naasnuujinta,waxaaana ay soo  gaadhay xiligii  aan nu  qaadan  lahayn dhamaystirka  Xeerkan iyo horgaynta Golaha Wasiirada iyo Golaha Wakiilada iyo faafintiisa waana in aynu  bilowno olale  aynu ku dhiirigalinayno Naasnuujinta,”.

 

Leave a Reply