Mareeyaha Hay’adda Duulista oo Hortegay Guddida Joogtada ah ee Guurtida

0
172

 

Hargeysa (Dawan): Mareeyaha hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland  Cumar-sayid Cabdilaahi Aadan, ayaa shalay hor tegay gudida
joogtada ah ee golaha Guurtidda Somaliland.

Waxaanu maareeyuhu guddiga uga xog waramay hawlaha ay haayadu qaranka uga masuulka tahay qaranka, iyo sidoo kale waxyaabaha u qabsoomay, iyo qorshaha u yaalla haayadaasi.

Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan, oo kulankaasi ka dib warbaahinta la hadlay
ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka wadahadleen gudida
joogtada ee golaha Guurtida.

Waxaanu yidhi “Waxaan maanta (shalay), kulan la yeeshay guddida joogtada ee golaha Guurtida Somaliland.

Waxaanan uga waramay haayada Duulista iyo Madaarada Somaliland waxyaabihii u qabsoomay Sannadkii 2021-kii, iyo waxyaabaha la sii dhamaystirayo.

Waxaanan  is waydaarsanay su’aalo iyo wixii macluumaad ah ee ay u baahnaayeen.

Waxaanay ka mid tahay wada shaqaynta xukuumadda iyo Goleyaasha oo aad u muhiim ah.

Waana kulamadii caadiga ahaa ee aanu wada yeelan jirnay gudida joogtada ee golaha Guurtidda”.

Dhinaca kale  guddoomiyaha gudida  joogtada ah ee golaha Guurtida xidhibaan Dayib Xasan Boobe, oo isna kulankaasi ka warbixiyay ayaa  sheegay in ay Mareeyaha haayadda Duulista iyo Madaarada ay wax ka waydiiyeen shaqada uu qaranka u hayo.

“Waxaanu ka waraysanay shaqadii uu qaranka uu u hayay, si wanaagsan oo dhinacyo badan taabanaysa ayuu noogu waramay. Waxa uu qabtay iyo waxa uu qaban doono ayuu nooga waramay” ayuu yidhi xidhibaan Dayib Xasan Boobe.

Leave a Reply