Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha oo kulan la qaatay Kauko Aaitoma madaxa Bari Afrika ee EUCAP Mission

0
180

Hargeysa(Dawan):-wasiirk wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed,ayaa kulan Madaxa UCAP, iyadoo EUCAP si toos ah ula shaqaysa Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo hoos yimaada Wasaaradda Arimaha Gudaha. Kulankaas ayaa ahaa isbarasho Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Madaxa Bariga Afrika ee EUCAP Mission.

Waxaa kale oo kulankaas lagaga wadahadlay xoojinta wada shaqaynta Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Xafiiska EUCAP Mission, gaar ahaana taageerada Ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland oo ilaaliya badda Jamhuuriyadda Somaliland oo aad u dheer, iyadoo Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ay ku guulaysteen ammaanka Badda dheer ee Somaliland.

Kulankan Wasiirka waxaa ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Admiral Axmed Hurre Haariye iyo Masuuliin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Dhinaca kale Madaxa Bari Afrika ee EUCAP Mission waxaa kulankan ku wehelinayey

  1. Kenneth NEIJNESS

Madaxa Xafiiska EUCAP Somaliland

  1. Mahad Ahmed Xidhiidhiyaha EUCAP iyo Somaliland
  2. Mohamed Ibrahim Latiyaha Siyaasad ee EUCAP.

 

Leave a Reply