Ganacsade Qabyo-tire oo Caawimo Gaadhsiiyay Maxaabiis Hargaysa ku Xidhan oo Dagaalka Laascaanood lagu soo Qabtay

0
208

Hargaysa (Dawan): Maxamed Ibraahim Qabyo-tire, siyaasi hore haatan na u digo rogtay arrimaha ganacsiga, ayaa shalay caawimo gaadhsiiyay maxaabiis ku xidhan xabsiga dhexe ee Hargaysa.

Maxaabiista uu ganacsade Qabyo-tire, caawimadda gaadhsiiyay ayaa lagu soo qabtay dagaaladda ka socda gobolka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Caawimada uu ganacsaduhu gaadhsiiyay maxaabiista ayaa isugu jirtay Lacag, iyo Dhar, uu ugu talo galay in ay ku ciidaan, maadaama ay maxaabiis yihiin.

Ganacsade Maxamed Ibraahim Qabyo-tire, oo gacantiisa ugu qaybiyay ayaa ku sheegay deeqdan uu maxaabiista gaadhsiiyay mid uu ugu tallo galay in ay ku Ciidaan.

Qaybinta caawimadan uu ganacsaduhu maxaabiista gaadhsiiyay waxaa goob joog ka ahaa taliyaha xabsiga dhexe ee Hargaysa, iyo sidoo kale raakiisha ciidanka asluubta.

Maxamed Ibraahim Qabo, oo gudaha u gallay xabsiga dhexe ee Hargaysa, isla markaana indhihiisa ku soo arkay xaaladda maxaabiista uu caawimadda gaadhsiiyay ayaa sheegay in ay xaaladoodu aad u fiican tahay.

Waxaanu tilmaamay ganacsaduhu caawimadan uu gaadhsiiyay uu uga dan leeyahay si ay maxaabiista Sool laga soo xidhay u dareemaan in ay ehelkoodii, iyo dadkoodii la joogaan

 

 

 

 

Leave a Reply