Wiil ayaa saaxiibkii u sheegay dhibaato haysta oo uu ka cabanayo, waxaana uu ku yidhi “ Saaxiib gabadh kasta oo i cajabisa oo aan is idhaado guursaba hooyaday ayaa diidaya maxaan yeelaa ?”
Saaxiibkii ayaa ku yidhi laba midkood inaad hooyaada ka codsato inay ku soo doorto oo aad sidaa ku guursta iyo inaad soo hesho gabadh hooyadaa u eeg dhinaca muuqaalka iyo dabeecaddaba.
Waxaana uu doortay taasi danbe, aadamiga ayaa jecel inuu isagu go’aanka yeesho. Markii uu soo helay gabadh hooyadii la mid ah, ee uu u keenay. Hooyadii si dhiba yar ayay u ogolaatay waana ay ku raacay.
Saaxiibkii ayuu u sheegay oo yidhi “ saaxiib waxaan soo helay gabadh hooyaday u eeg, waana ay ogolaatay,, laakiin imika waxa diidan aabahay” . saaxiibkii ayaa ku yidhi “ Waa sidaasi dhibaatooyinku ma dhamaadaan laakiin xalkeeda ayaa la raadiyaa”