Dawladda Sucuudiga oo Kaalmo Raashin ah soo Gaadhsiisay Somalilnad

0
163

Hargeisa (Dawan): Jamciyadda Al-Raxma Al-khayriya, ayaa shalay raashin caawimo ah ka qaybisay degmooyin ka tirsan caasimadda Hargaysa.

 

Raashinkaas caawimadda ah oo loogu talo galay Sakaatul-fidriga, waxaa soo dirtay dawladda Sucuudi Carabiya, gaar ahaana merkaska Binu Salmaan.

 

Waxaana qaybintiisa fulisay Jamciyadda Al-Raxma Al-khayriya, iyadoo  uu soo bixiyay raashinkaasi Merkaska Binu Salmaan, ee dawladda Sucuudiga oo soo gaadhsiisay Jamciyadda Al-Raxma.

 

 

Guddoomiyaha Jamciyadda Al-Raxma Al-khayriya, Sheekh Maxamed Cabdalla Ibraahim, ayaa ka warbixiyay caawimadan raashinka ah ee ay qaybiyeen.

 

Waxaanu sheegay in raashinkaasi loogu talo galay 400,000 oo qays oo danyar ah, kaasoo la gaadhsiiyay qoysas danyar ah.

 

 

Waxaanu yidhi, “Maanta (shalay), waxaan halkan ku daah-furaynaa Sekewaadka ay soo direen Merkasul Binu Salmaan, aad baanan ugu mahad naqaynaa.

Ma aha markii u horraysay oo aanu wada shaqayno Mersul Binu Salmaan, Waanan uga mahad celinaynaa wada shaqaynta ay na la leeyihiin, iyo in ay mar kasta na la soo xidhiidhaan.

 

Maanta (shalay),  400,000 oo qays raashinkood, oo Sekaatul Fidri ah, ayaynu qaybinaynaa. 400,000 ee qoys raashinkoodani waa qaybtii koobaad oo aanu halkan ku qaybinaynaa.

 

Iyadoo ay isla maanta (shalay), dhacayso qaybinta labadda qaybood ee kale ee raashinka ah. Waxaanan halkan ku qaybinaynaa 200,000 qoys raashinkood”.

 

 

Madashii qaybinta raashinkaasi waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha degmadda Ibraahim Koodbuur, ee caasimadda Hargaysa, xildhibaano ka tirsan golaha Deegaanka Hargaysa, salaadiin, odayaal, waxgarad, iyo masuuliyiin kale.

 

Sidoo kale waxaa madashaasi joogay masuuliyiin ka socday Jamciyadda Al-Raxma Alkhayriya, iyo Merkaska Binu Salmaan, ee dalka Sucuudi Carabiya.

 

Raashinkan Sekaatul-Fidriga ah ayaa laga qaybiyay xaafado ka tirsan degmadda Ibraahim Koodbuur, ee caasimadda Hargaysa.

 

 

 

Geesta kale guddoomiyaha degmadda Ibraahim Koodbuur, oo isna halkaa ka hadlay ayaa u mahad celiyay jamciyadda Al-Raxma, iyo merkaska Binu Salmaan ee raashinkan soo bixiyay.

 

“Waxaan filayaa in ay ka faa’iidaystaan dadkeenna danyarta ah. Wax weyn ayaanay u taraysaa, qoysaskaasi danyarta ah, xili haboon ayaanay ku soo beegantay.

 

Waanan uga mahad celinayaa jamciyadda Al-Raxma, iyo merkaska Binu Salmaan, ee raashinkan soo bixiyay” ayuu yidhi guddoomiyaha degmadda Ibraahim Koodbuur.

Leave a Reply