Haweenka Somaliland ee UK oo Kaalmo lacageed soo Gaadhsiiyay Agoomaha Ciidanka Qaranka.

0
153

Hargeysa(Dawan):-Haweenka ku dhaqan dalka Ingiriiska ee reer Somaliland,ayaa kaalmo lacageed oo ay ugu talo galeen in ay ku ciidsiiyaan soo gaadhsiiyay qoysaska agoomaha ciidanka qaranka Somaliland.

 

Gaashaanle  dhexe Saleebaan Jaamac  Siciid ayaa uga mahadnaqay haweenk lacagta xaqal ciidka usoo diray Caruurta agoonta ah ee  ciidan  qaranka.Waxaanu yidhi”Halkan waxa aynu u qaybinaynaa waxogaa  lacaga oo aynu  siinayno agoonta  Ciidamada qaranka,taas oo  aanay Maanta  ugu  horayn ee ilaa  intii la aasaasay qurbojoog iyo qolol  joogba waalala barbar taagnaa  waxtarka Ciidamada qaranka.waxaana loo soo  diray agoonta  Ciidanka  qaranka 3200 oo doolar waana aanu siinay.waxaana ay ahaayeen  12 qoys waanay mahadsanyihiin,haweenkaas deeqda  lacagta soo  gaadhsiiyay Caruurta ay dhaleen Ciidamada  qaranka,”.

Sidoo kale  Gaashaanle  dhexe Jaamac  Xaaji Cali ayaa ku amaanay hablahan lacagta xaqal Ciidka  usoo  diray agoonta  Ciidamada qaranka.Waxaana uu yidhi”Waxa aanu u  qaybinay agoomihii  ay ka dhinteen ragii qiimaha lahaa  ee dhintay  ee Ciidamada qaranka   Xaqal  Ciid ay soo direen  hablo Muxsiniina,waana  aanu  u  ducaynaynaa hablahaas.qarankana  waynu  wada leenahay,”.

 

Leave a Reply