Dhacdo dad badan ay la yaabeen oo ka dhacday dalka Hindiya

0
237

Nin u dhashay dalka Hindiya oo 2 sano ka hor la shaaciyay inuu dhintay ayaa si lama filaan ah qoyskiisa dib ugu soo laabtay.

Kamlesh Patidar oo ka soo jeeda tuulada Kadodkalan , ayaa la rumeysnaa in uu ku dhintay Gujarat xilligii ay socotay mowjadii labaad ee feyriska Corona February 2021.

Dhakhaatiirta ayaa xilligaasi shaacisay inuu “u dhintay” xanuunka COVID-19.

Dhacdan oo dad badan fajac iyo lama filaan ku noqtay ayaa waxaa si wayn wax uga qoray warbaahinta dalka Hindiya.

Qoyskiisa ayaa markii uu u soo galay waxaa ay ku noqtay naxdin iyo farxad is wadata.

Mahesh Patidar oo ay qaraabo yihiin Kamlesh ayaa sheegtay in Kamlesh uu joogay magaalada Badveli markii laga helay feyriska Carona, islamarkana maadaama ay isbataalka magaaladaasi ka jirtay sariir la’an loo qaaday magaalada Baroda halkaasi oo ka dib la shaaciyay inuu dhintay.

Sida uu u sheegay Kamlesh adeerkii oo lagu magacabo Rameshwar, markii uu xanuunka Crona ka soo bogsaday ayaa waxaa afduubtay kooxo burcad ah oo muddada intaasi dhan haystay.

Sida ay qoyskiisa sheegeen burcadda ayaa daroogo ku duray islamarkana muddadaasi dheer meel ku hayay.

Xaaska Kamlesh oo lagu magacabo Rekha Patidar ayaa tiri” ma rumeysan markii hore ee aan arkay laakiin markii dambe ilin ayaa iga timid, isagana wuu is celin waayay oo shacuurtiisa ayaa isbadashay oo wuu hadli kari waayay”.

“Waxaan ku noolaa noolal carmalinimo ah tan iyo bishii February 2021, waxaan sameynay dhammaan alla barigii la sameyn jiray markii uu qoyska qof ka dhinto” waxa ay sidaasi u sheegtay Rekha wargeyska Times of India.

Booliiska dalka Hiundiya ayaa imika baaraya sheegashada ninkan ee ah in muddo 2 sano ah ay afduub u haysteen kooxo burcad ah.

Dhacdadan ayaa dad badan oo reer Hindiya ah gaar ahaan gobolka uu nonkan ka soo jeedo ee Gujarat

 

Leave a Reply