Shimbiraha oo la isku Deyeyo in sidii drone-ka loo adeegsado

0
240

Saynisyahanada New Mexico ayaa shimbiraha dhintay isku deyeya in ay siiyaan nolol cusub, taas oo looga faa’iidaysanayo hab aan caadi ahayn, kaddib cilmi baadhis lagu sameeyey duurjoogto.

Koox ka socota Machadka Macdanta iyo Tiknoolajiyada ee New Mexico ee magaalada Socorro ayaa qaadaya shimbiraha bakhtiyey ee laakiin se la kaydiyey jidhkoodii si ay ugu beddelaan oo ugu adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Dr. Mostafa Hassanalian, oo ah borofisar-ka hoggaaminaya mashruucan, ayaa ogaaday in shimbiraha macmalka ah aanay weli siinin natiijada uu raadinayo.

“Waxaan la nimid fikraddan inaan adeegsan karno… shimbiraha dhintay oo aan ka dhigi karno (Drone) diyaarad,” ayuu yiri. “Wax walba waa dhici karaan.”

Shimbiraha laga dhigay drones-ka ee la moodayo in ay duulayaan sidii drone-ta oo lagu magacaabo Taxidermy – ayaa hadda tijaabadoodu ka socotaa meel jaamacad oo lagu wado qorshahan casriga ah.

Waxaana muddadaas la dersi doonaa sidii si habboon loogu adeegsan lahaa, xilli laga tusaale qaadanayo sida oo kalena lagu dabbaqayo sida ay wax u sameeyaan wershadaha sameeya waxyaalaha duula, sida diyaaradaha iyo droneska ayuu yidhi Hassanalian.

“Haddii aan baranno sida shimbirahani u maareeyaan … tamarta dhexdooda, waxaan ku dabaqi karnaa (taas) warshadaha duulista mustaqbalka si loo badbaadiyo tamar badan oo loo badbaadiyo shidaal badan,” ayuu yidhi.

Brenden Herkenhoff, Ph.D. arday dhigta New Mexico Tech, wuxuu diiradda saaraa cilmi-baaristiisa midabaynta iyo hufnaanta duulimaadka.

“Haddii aan baranno sida shimbirahni isu maareeyn kolka ay duulayaan, waxaan kaydsan karaa tamar iyo shidaal badan mustaqbalka inanga oo ka tusaale qaadanayna sidooda oo kale”

Kala duwanaanshaha shimbiraha ee dhanka midabka aya sida oo kale la sheegayaa in ay wax ka sameeyaan sida ay hawada sare ugu kala duuli karaan masaafo dheer iyo inkale.

Nooca shimbirta eela marsiiyey barnaamijka taxidermy-ga ee hadda jira ayaa duuli karta ugu badnaan 20 daqiiqo oo keliya, markaa marxaladda xigta waa in la ogaado sida loo duuliyo wakhti dheer iyo in la sameeyo tijaabooyin duurka dhexdiisa ah taas oo la adeegsanayo shimbiraha nool, ayuu yidhi Hassanalian

 

 

 

Leave a Reply