Guddoomiyaha UCID oo Taageeray Mawqifka Madaxweynaha ee Xalka Laascaanod

0
173

Hargeysa-(Dawan):-  Xisbiga UCID ayaa soo dhaweeyey isla markaana taageeray mowqifkii Madaxweynaha  Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ee xalka khilaafka Laascaanood.

Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in khilaafka magaalada Laascaanood lagu dhamayn karo ka bixitaanka maleeshiyaadka hubaysan ee Puntland.

Qoraal uu shalay ku baahiyey bartiisa Twitter ayuu ku yidhi,

“Xisbiga Ucid wuu bogaadinayaa baaqii beesha caalamka ee khabiirada doorashada dib u dhacday. Waxaan soo dhawaynaynaa dedaalka caalamka ee joojinta colaadaha  Laascaanod.

Gudoomiye Eng Faysal ayaa sheegay “Khilaafka waxa lagu dhammayn karaa wadahadal. Maleeshiyada hubaysan ee Puntland ee ku sugan Laascaanod ayaa xaaladda wiiqaya. waxaanu ku baaqaynaa inay ka baxaan.

Hadalka Gudoomiyaha UCID ayaa ku soo beegmaya laba maalmood ka dib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilad  Mudane Muuse Biixi Cabdi si cad u sheegay hannaanka xaaladda colaada Laascaanod lagu dhamayn karo.

 

 

Leave a Reply