Maleeshiyada Huwanta oo Laascaanood ka Geystay Gabbood-fallo iyo Tirada dilalkii ugu Dambeeyay

0
447

Kufsiga iyo dilka oo Joogto ka noqday gudaha magaalada Laascaanood illaa markii ay soo galeen maleeshiyada Huwantu.

 Laascaanood(Dawan):-Magaalada Laascaanood waxaa ka jira tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha waxaana maalin kasta dilal iyo kufsi joogto ah oo ay ka geysanayaan maleeshiyada huwanta ah ee kusoo duulay magaalada Laascaanood.

Magaalada Laascaanood waxay u gacan gashay kooxo maleeshiyo ah oo hubaysan iyo argagixiso isbahaystay oo ku soo duulay Somaliland.

Saddex dii habeen ee ugu dambeeyay waxaa gudaha magaalada laascaanood ka dhacay dilal waxaana lagu dilay habeen hore laba qof  halka lagu kufsaday tiro haween ah,falalkaas oo ay ka geysteen  gudaha magaalada Laascaanood maleeshiyada magaalada kusoo duushay ee huwanta ah.

Bulshada reer Laascaanood eek u sugan gudaha magaalada Laascaanood ee  awoodi waayay in ay ka qaxaan ayaa tacadiyo joogto ah kala kulma maleeshiyada Puntland iyo kooxaha argagixisada ah ee isu soo bahaystay duulaanka ka dhanka ah Somaliland.

Hooyo ka mid ah haweenka ku sugan gudaha Laascaanood ayaa ku calaacashay. “waxaan ku nool nahay cabsi,waxaa nagu soo duulay dad aan dantayada wadin waxaanu nahay la haysteyaal ku jira gacan cadaw.”

Dhinaca kale waxaa bulshada ku sugan gudaha magaalada Laascaanood ay la deris yihiin oo ay markasta la kulmaan dhibaatooyin aan tudhaale lahayn oo lagula kacayo.

“qof meheradiisa furi karaa naguma jiro qofka albaabka furana wuxuu hayoba waa laga qaadayaa,waxaa kale oo intaa noo dheer in aanu naftayada iyo ta hablahayaga ba u baqayno waxa manta Laascaanood ka dhacaya waa wax aan wali nasoo marin,markii Somaliland magaalada gacanta ku haysay magaaladu ammaan ayay ahayd waan aganacsanaynay wax dhibaato ahna kumaanu qabin maamulka magaalada,laakiin waa nala qalday oo wax aan dani noogu jirin ayaa dadka loogu sheekeeyay,maantana wax Jamaahiir loogu yeedho oo aan cidna bixinayn ayaan u gacan galnay.”ayay tidhi hooyadan ka hadlaysay dhibta ay la dersika yihiin oo u warantay wargeyska Dawan oo sababo ammaan dared aanu u qarinay magaceeda.

Dhibaatada ugu wayn waxaa gudaha magaalada Laascaanood ka geysanaya maleeshiyada Puntland ka soo duushay iyo kooxo argagixiso oo uu wato Cabdi madoobe oo ah horjoogaha argagixisada Laascaanood ku soo duushay.

 

 

Inta ay hooyadaasi ka hadashay iyo ka badan ayaa markasta ka dhaca gudaha magaalada Laascaanood.

Bulshada Magaalada Laascaanood na waxay u baahan yihiin in laga xoreeyo maleeshiyada ku soo duushay magaalada.

Dhinaca kale dawladda Somaliland,ayaa caddaysay in ay diyaar  u tahay in ay magaalada ka xorayso maleeshiyada ku soo duushay magaalada waxaanay xukuumaddu markasta ku dedaalaysaa in ay illaaliso badqabka bulshada magaalada isla markaana aanu  dhicin dagaal bulshada ay ku dhex dhuuntaan maleeshiyada magaalada gabbood ka dhigatay.

Balse waxaa xukuumadda ka go’an in ay bulshadeeda ka xorayso maleeshiyada duulaanka ku soo qaadday Somaliland  

 

Leave a Reply