Marxuum Cumar Xasan Rooraaye oo ku Geeriyooday Hargeysa

0
180

Hargeysa (Dawan) ALLe ha u naxariistee waxa maanta magaalada Hargeysa ku Magaalada   ku geeriyooday fanaankii weynaa Cumar Xasan Rooraaye oo ka tirsanaa fanaaniintii kooxdii Waaberi.

Maxuumka oo ku dhashay dalka Yemen waxa uu fanka ku biirey sannadkii 1965-kii waxaana uu ka mid ahaa Aas-aasayaashii Kooxdii ciidamada ee Horseed, inkasta oo markii dambe isaga iyo fanaaniin kale oo ay ka wada tirsanaayeen kooxdaasi ay sannadkii 1974-kii ku biireen kooxdii Waaberi.

Marxuumka ayaa qaaday heeso badan, isagoo ka qayb-qaatay in ka badan 20 riwaayadood, waxa uu la heesay badiba hablihii hormuudka u ahaa fanka sida Khadra Daahir Cige, Saado Cali Warsame, Shamsa Cumar, Qamar Cabdillaahi Harawo, Xareedo Ismaaciil Duniyo, Saynab Xaaji Cali Baxsan iyo Hibo Maxamed Gudoon ( Hibo Nuura).

Geesta kale wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa dhambaal tacsi ah u diray ehelkii, qoyskii, qaraabadii, bahda fanka, shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba dadka afka Soomaaliga ku hadla geerida ku timi ALLE ha u naxariistee Fanaankii weynaa ee Marxuum Cumar Xasan Rooraaye, oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

 

Wasiirka ayaa marxuunka ku sifeeyey in uu ahaa heesaa iyo fanaan caan ah oo fanka ku soo jiray muddo ka badan konton sannadood, wakhtigana ka mid ahaa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland.

 

Wasiirka ayaa marxuumka ALLE uga baryey in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii, bahda fanka iyo guud ahaanba shacabka Somaliland uu samir iyo iimaan ka siiyo.

INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Leave a Reply