Nin ku Muslimay Kitaab Qu’aan ah oo uu Cidla ka Helay

0
194

Waxaa laga yaabaa inaad maqashay dad badan oo diinta Islaamka soo galay, laakiin sheekada nin reer London ah oo magaciisa la odhan jiray Yusuf Oak sida uu ku soo islaamay waxa ay ahayd sheeko gaar ah oo xiise leh. Qaadashadiisa diinta Islaamka waxay ku soo beegantay markii uu helay nuqul ka mid ah Kitaabka Quraanka Kariimka  kaas oo ku dhex dhacay garoonka Manchester United ee Old Trafford.

Waxay ahayd sannadkii 2007-dii xilligaas oo uu Yuusuf u shaqaynayey naadiga Manchester United. Maalin maalmaha ka mid ah isaga oo shaqaynaya ayuu garoonkii ka helay kitaab Quraan ah.

Isaga oo ka hadlaya safarkiisii uu ku doonayey in uu Islaamka ku soo ogaado, waxa uu yidhi, “Waxay ahayd wax la yaab leh, in uu Qur’aanka ka helay garoonka dhexdiisa. Markii aan helay kitaabkaas Quraanka ah, waxa uu ahaa mid boodhaysan. Isla markii aan arkay qoraal-gacmeedkan, waxa aan dareemay in aan soo qaato oo aan nadiifiyo.”

 

Yuusuf markii uu helay kitaabkaas inta uu nadiifiyey ayuu geystay gurigiisa, xilli ay xaaskiisu Iyana ka xanaaqday markii ay ogaatay in kitab qur’aan ahi guriga yaallo.

Markii uu maqlay hadalka xaaskiisa ee ah in ay ka cadhaysan tahay kitaabka, Yuusuf waxa uu uga digay in kitaabkaas ay qashinka ku tuurto isaga oo ugu hanjabay “haddii aad tuurto adna wan ku tuuri doonaa”

Yuusuf ayaa ku jawaabay ‘Intadan Qur’aankan tuurin meel baan kugu tuurayaa’.

Markii ay maqashay xaaskiisu jawaabta Yuusuf, ayay saaxiibkeed weydiisay, ‘Haddii aadan Muslim ahayn, maxaad sidaas u samaynaysaa?’ Yuusuf wuxuu ugu jawaabay, Buugan hal sadar ma aadan akhriyin, haddana waxaad doonaysaa inaad isla markiiba tuurto. Yuusuf ayaa ka dhashay qoys Masiixi ah.

 

Difaacii adkaa ee uu kala hortagay xaaaskiisu waxa uu keenay in kitaabkaas qur’aanka ahi uu baaqi ku sii ahaado gurigooda.

In kasta oo wakhtigaas Yuusuf aanu weli qaadan diinta Islaamka, haddana isaga laftiisu waxa uu is-weydiiyey sababta 8ugu jiro damaca weyn eek u aaddan in uu difaaco diinta Islaamka.

Yuusuf ayaa sheegay in weligiiba uu jirey dareen si gaar ah u jiidanayey oo ku aaddana muslinnimada. Waxaana jirtay xilli xilliyada ka mid ah oo isaga iyo saaxiibbadii inta ay dalxiis u aadeen Spain ay haddana isku af dhaafeen waxyaalo muslinnimada ku saabsan.

 

Markii dnabe waxa uu bilaabay in uu la xidhiidho dad badan oo ka baxay diintoodii hore oo islaaamay, si uu wax uga korodhsado. Waxa uu sidoo kale la xidhiidhay culimo badan, illaa uuu ugu danbayn la kulmay qof muslim ah oo ay asxaab yihiin oo uga jawaabay su’aalihii u qabay oo dhan.

Waxaa dhacday in Yuusuf uu la xidhiidhay maamulkii masaajidka gurigiisa u dhowaa kaas oo markii danbe shahaadada u qabtay.

Halkaas ayuu Yuusuf ka bilaabay in uu qofnimadiisa bannaanka iyo gudahaba uu u guuro muslimnimo, taas oo ka billaabatay in uu ka tago dhaqamada aan islaamku bannaanayn, isaga sida oo kalena gadhka la baxay, mar walbana waxa uu isku dayi jiray in uu jameeco masaajidka ku la tukado.

Marka loo eego natiijooyinka tirakoobka 2021 ee Boqortooyada Ingiriiska, tirada Muslimiinta ku nool waddanku waa 6.5 boqolkiiba tirada guud ee dadka waddanka, halka 2011 ay ahayd 4.9 boqolkiiba

 

 

 

Leave a Reply