Xafiiska maaraynta khataraha masiibooyinka ee dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa digniin u diray   dadweynaha reer Hargeysa iyo   dirawaliinta gaadiidka.

0
168

Hargeysa (Dawan) Xafiiska maaraynta khataraha masiibooyinka ee dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa digniin u diray   dadweynaha reer Hargeysa iyo   dirawaliinta gaadiidka.

War ka soo baxay xafiiska maaraynta khataraha masiibooyinka ee dawladda hoose ee Hargeysa oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeysyada Dawan, ayaa lagu sheegay in toddobaadka soo socda haddii ALLE yidhaahdo la filayo in ay roobab waa weyni ka da’aan caasimada iyo nawaaxigeeda, waxaanay bulshada ka codsadeen in laga diyaar garoobo, goobaha biyo mareenada ah, sida, dooxyada, dhaamamka, barkadaha iyo waddooyinka waa weynba.

Geesta kale waxa ay wadayaasha gaadiidka uga digeen in aanay naftooda iyo hantida ay sidaanba ku halaagin dooxyada waa weyn, waxa ay intaas ku dareen oo ay bulshada ugu baaqeen in ay ubadkooda ka ilaaliyaan goobaha biyo mareenada iyo meelaha biyo fadhiisinka.

Gaba’gabadii warkan ka soo baxay xafiiska maareynta masiibooyinka ee dawladda hoose ee Hargeysa, waxa lagu sheegay in saadashu ay sheegayso in maanta oo bishu ay tahay  22 April in uu Roobku ku di’i karo 61% boqolkiiba, isla markaana loo baahan yahay in uu qofkasta diyaar garoobo, kana feegijnaado khatarta ka iman karta.

Leave a Reply