D/Hoose Ee Hargaysa Oo Digniin U Dirtay Dadweynaha Ku Nool Caasimada iyo Nawaaxigeedda

0
213

Hargeysa (Dawan): Xafiiska maaraynta khataraha masiibooyinka ee dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa, ayaa digniin u diray dadweynaha reer Hargeysa iyo derawaliinta gaadiidka.

War ka soo baxay xafiiska maaraynta khataraha masiibooyinka ee dawladda hoose ee Hargeysa oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeysyada Dawan, ayaa lagu sheegay in toddobaadka soo socda haddii ALLE yidhaahdo in la filayo in ay roobab waa weyni ka da’aan caasimada iyo nawaaxigeeda.

Waxaanay bulshada ka codsadeen in laga diyaar garoobo, goobaha biyo-mareenada ah, sida dooxyada, Dhaamamka, Barkadaha iyo Waddooyinka waa weyn ba.

Geesta kale waxay wadayaasha gaadiidka uga digeen in aanay naftooda iyo hantida ay sidaan ba ku halaagin dooxyada waa weyn, waxay intaas ku dareen oo ay bulshada ugu baaqeen in ay ubadkooda ka ilaaliyaan goobaha biyo mareenada iyo meelaha biyo fadhiisinka.

Gabagabadii warkan ka soo baxay xafiiska maareynta masiibooyinka ee dawladda hoose ee Hargeysa, waxa lagu sheegay in saadashu ay sheegayso in maanta (shalay), oo bishu ay tahay 22-ka bishan April, in uu Roobku ku di’i karo 61% boqolkiiba, isla markaana loo baahan yahay in uu qofkasta diyaar garoobo, kana feegijnaado khatarta ka iman karta.

 

 

 

 

Leave a Reply