Madaxweynaha Cid ka Jecli Majirto in Laascaanood ay Nabad Noqoto” Siyaasiga Cabdilaahi Jawaan

0
254

Hargeysa (Dawan) Siyaasiga Cabdilaahi Xaaji Cumar Cabdilaahi Jawaan ayaa ka hadlay xaalada dagaal ee ka taagan Magaalada Laascaanood.

Cabdilaahi Xaaji Cumar oo shalay u waramayay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in aduunka aanay ka jirin xuduud qabiil,waxaana uu intaasi in Gobalka Sool la wada dagan yahay.

“Laascaanood halkay maraysay Maalintii fidmadani bilaamatay Magaalo dhisan ayay ahayd dadkii kacdoonku ka kacay ee lagu dilay Laascaanood may dilan Somaliland,dadkii dagaalka ka dambeeyay waxa ka mid ahaa Dhoobo daarood Somaliland Laascaanood waxbay ka qabatay.xuduud qabiil aduunka kama jiro Gobalka Sool waala wada dagaa waxa la gaadhsiiyay in qabiil laga dhigo oo Dawladnimdii laga tago oo wada dhalashadii laga tago,Somaliland 1960 kii markii ay xornimadeeda qaadatay 36 dal ayaa aqoonsaday oo Qaramada Midoobay ayaa aqoonsaday,”.ayuu yidhi Cabdilaahi Jawaan.

Sidoo kale Cabdilaahi Jawaan ayaa waxa uu tilamaamay in Madaxweyne Muuse Biixi ka go,an tahay in Laascaanood nabad noqoto.Waxaana uu yidhi”Laascaanood in ay nabad noqoto Madaxweyne Muuse Biixi cid ka jecli majirto, halkii Wasiirada joogeen ayaa dagaalka laga bilaabay,waxaana socotay ilaa intaa gala dagaalka.waaxaana aan ka xumahay in dagaalka Laascaanood lagu agoomoobay,dagaal cid ka faa,iidaysaa majirto dadkuna sidaa kuma kala tagayaan waa dad walaala.waxaana dantu ku jirtaaa in Garaadada isxa ka meeyaan waana in laga wadahadlo markaa waxa aan leeyahay caqligu hataliyo dadka yaan laysku baabiin,”.

 

 

 

 

 

Leave a Reply