SOOL: Garaadka guud ee Beelaha Fiqi-shini oo si weyn loogu soo dhaweeyey Adhi-cadeeye

0
248

Adhi-cadeeye (Dawan):  Garaadka guud ee beelaha Fiqishinni Garaad Guuleed Cashuur Warsame ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Degmadda Adhi-caddeeye ee gobolka Sool, halkaasoo uu socdaal nabaddeed iyo mid uu ugu kuur-gelayo Xaalada bulshada ku tegay.

Cuqaasha Beesha ee gobolka Sool, masuuliyiinta Degmada iyo Dadweyne ka kooban qaybaha Bulshada oo Haween, Dhalinyaro iyo haldoor isugu jira, ayaa gelbis ku mariyey deegaamada Laamiga ah ee Guumays, Tuulo Samo-kaab ilaa Adhi-cadeeye.

Munaasibad balaadhan oo lagu sameeyey fagaare ku yaalla Magaalada, ayuu dadweynaha uga mahad-celiyey sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen, waxaanu sheegay in socdaalkiisu salka ku hayo hawlo nabaddeed oo uu kaga shaqayn doono sidii ay beeshu nabad iyo Walaaltinimo ugula noolaan lahayd dadka ku dhaqan Gobolka Sool.

Waxa uu intaasi ku daray inuu sidoo kale gobolka u yimi inuu dedaal ku bixiyo sidii Xaalada Magaalada Laascaanood nabad loogu soo dabaali lahaa, beeshiisuna door uga qaadan lahayd nabad soo celinta.

Garaadka ayaa intaanu gaadhin gobolka Sool, muddo ka shaqaynayey sidii hawlaha nabadeynta gobolku u fududdaan lahaayeen.

 

 

 

Leave a Reply